{"id":13447,"date":"2015-09-20T09:39:24","date_gmt":"2015-09-20T09:39:24","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=13447"},"modified":"2015-09-20T09:39:24","modified_gmt":"2015-09-20T09:39:24","slug":"xukuumada-oo-doonaysa-in-lamadax-banaaneeyo-waaxda-cashuuraha-bariga-ee-wasaarada-maaliyada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/09\/20\/xukuumada-oo-doonaysa-in-lamadax-banaaneeyo-waaxda-cashuuraha-bariga-ee-wasaarada-maaliyada\/","title":{"rendered":"Xukuumada oo doonaysa in lamadax banaaneeyo waaxda cashuuraha Bariga ee Wasaarada Maaliyada"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Golaha wasiirada ee xukuumadda Somaliland ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Axadii toddobaadkii hore, waxay ku ansixiyeen qorshaha siyaasiga ah ee xukuumadda ee dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee wadanka.<\/p>\n<p>Fadhigaas lagu ansixiyay dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka oo aanu wax war ahi ka soo bixin, ayaa sida ay ilo xogogaali u sheegeen wargeyska Geeska Afrika, waxa ay golaha wasiiradu wada jir u ansixiyeen qorshahan oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadu, waana qorshe saamayn kala duwan ku yeelanaya qaar ka mid ah hay\u2019adaha dawladda.\u00a0 Hay\u2019adaha uu saamaynayo qorshahani waxa ka mid ah Waaxda cashuuraha beriga oo hadda ka tirsan wasaaradda maaliyadda oo noqon doonta hay\u2019ad madaxbanaan balse maamul ahaan hoos tagi doonta wasiirka wasaaradda maaliyadda waxaanay yeelan doontaa masuul gaar ah oo marka laga reebo wasiirka maaliyadda ka madaxbanaan doona masuuliyiinta kale ee wasaaraddaas, hay\u2019adda qandaraasyada qaranka ayaa uu qorshahani iyadana awoodeedii hoos u dhigayaa, iyadoo ay wasaaradaha dalku qandaraasyada u bixin doonaan si\u2019 madaxbanaan balse ay hay\u2019adani dusha uun kala socon doonto kuna ilaalin doonta shuruucda, halka ay markii hore iyadu bixin jirtay qandaraas kasta oo dawladu bixinayso. Nidaamkan ayaa waxa kale oo uu saamaynayaa hanti dhawrka guud ee qaranka oo la kordhin doono awoodiisa, iyadoo uu qorshahani dhigayo in xil ka qaadista hantidhawrka la cusleeyo, waxaana xil ka qaadistiisa eegi doonta guddiga baarlamaanka ee hantida qaranka ilaalisa.<\/p>\n<p>Nidaamkan dib u habaynta maaliyadda ayaa waxa uu ka dhex muuqda shan qodob ada kala ah<\/p>\n<p>1.\u00a0Xeerka qandaraasyada<\/p>\n<p>2.\u00a0Xeerka Cashuurraha berriga<\/p>\n<p>3.\u00a0Xeerka Kastamada<\/p>\n<p>4.\u00a0Xeerka Hantidhowraha guud<\/p>\n<p>5.\u00a0Xeerka Maaraynta maaliyadda dawladda iyo xisaabaadkeeda (Public accountability and finance management. ) Qodobkan shanaad ee u dambeeya ayaa udub dhexaad u ah nidaamkan cusub ee maaliyadeed, waxaanu qodobkani sharaxayaa xidhiidhka ka dhaxayn kara wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska xisaabaadka iyo weliba kala xadaynta xafiiska hantidhawrka guud iyo xafiiska xisaabiyaha guud.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Golaha wasiirada ee xukuumadda Somaliland ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Axadii toddobaadkii hore, waxay ku ansixiyeen qorshaha siyaasiga ah ee xukuumadda ee dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee wadanka. Fadhigaas lagu ansixiyay dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka oo aanu wax war ahi ka soo bixin, ayaa sida ay ilo xogogaali [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":13448,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-13447","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3uT","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13447","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13447"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13447\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13447"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13447"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13447"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}