{"id":12520,"date":"2015-08-26T08:11:23","date_gmt":"2015-08-26T08:11:23","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=12520"},"modified":"2015-08-26T08:11:23","modified_gmt":"2015-08-26T08:11:23","slug":"wasiirka-wasaarada-warfaafinta-sland-mudane-cukuse-oo-wasiirka-caafimaadka-ku-amaanay-safarkii-uu-kutagay-deegaanada-buuhoodle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/08\/26\/wasiirka-wasaarada-warfaafinta-sland-mudane-cukuse-oo-wasiirka-caafimaadka-ku-amaanay-safarkii-uu-kutagay-deegaanada-buuhoodle\/","title":{"rendered":"Wasiirka Wasaarada Warfaafinta S\/land Mudane Cukuse Oo Wasiirka Caafimaadka Ku Amaanay Safarkii Uu Kutagay Deegaanada Buuhoodle"},"content":{"rendered":"<h2>Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa, ka dib safar shaqo oo uu muddo ugu maqnaa Buuhoodle.<\/h2>\n<h2>Wasiirka Caafimaadka ayaa sumcad weyn ku kasbaday tallaabo uu ka qaadey hoggaamiyaha kooxda Khaatumo oo uu ka eryey Magaalada Buuhoodle oo uu isaguna safar ku joogay, ayaa waxa duleedka bari ee Hargeysa kaga hor-tagey dadweyne tiro badan, wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin ka mid ah xisbiyada siyaasadda Somaliland, shaqaalaha wasaaradda caafimaadka, xildhibaanno iyo dad kale oo muhiim ah.<\/h2>\n<h2>Masuuliyiinta ka qayb-galay soo dhaweynta Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay inuu tallaabo muhiim ah ka qaadey Cali Khaliif iyo kooxdiisa oo lagu eedeeyay inay Muqdisho ka soo waarideen mashruuc nabadgalyo daro, isla-markaana tagitaankiisa Buuhoodle ku qasabtay Cali Khaliif inuu ka baxo, isaga iyo kooxdiisuna u firxadaan deegaanka Balicad oo qiyaastii 60KM u jirta Magaalada Buuhoodle \u201cWasiir Saleebaan wuxuu isku taagey fikirka inna mideeya (Somalilandnimada), waxaanu muujiyey Geesinimo..\u201d sidaa waxa soo dhaweynta Wasiirka caafimaadka ka dib sheegay Wasiirkii hore Kalluumaysiga Somaliland, Cabdillaahi Geel-jire \u201cWuxuu muujiyey in marka loo baahdo uu geesinimo muujiyo oo uu isku taago, markaa sidaasi daraadeed ayaanu u soo dhaweynaynaa\u201d ayuu hadalkiisa raaciyey Mr. Geel-jire.<\/h2>\n<h2>Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Wasiirka caafimaadku uu Buuhoodle u tagey fulinta iyo hirgelinta siyaasadda nabadda ku dhisan ee Madaxwaynaha Somaliland, tiina uu Alle ku soo guuleeyay oo uu ka libkeenay, mar hadduu Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa dibadda uga saaray Buuhoodle \u201cWasiirkeenna Caafimaadka, Saleebaan Ciise Axmed isagoo ku shaqeynaya siyaasadda Madaxwaynaha ayuu ku guuleystay oo wuu ka libkeenay in gobolka Buuhoodle nabaddiisu sugnaato, dadkana lagu soo dabbaalo inay wanaagga iyo horumarka ka wada shaqeeyaan oo ay umaddooda wax la qabsadaan\u201d ayuu yidhi, wasiir Cukuse oo intaasi ku sii daray \u201cShaydaanka iyo tushuushka ayuu dedaal ugu jiraa inuu maalinba in qaado, markaa dadka soo dhaweeyay aad iyo aad baanu ugu mahad-naqeynaa\u2026\u201d<\/h2>\n<h2>Wasiir Cukuse oo sii hadlaya ayaa sheegay \u201cWasiir Xaglatoosiye wuxuu Buuhoodle ku tagay oo uu ka soo fuliyey siyaasaddii uu Madaxweynaha Somaliland ku matalayay\u201d ayuu yidhi, Wasiir Cukuse.<\/h2>\n<h2>Wasiirka Wasaaradda Khayraadka biyaha Somaliland, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay \u201cWaxaanu soo dhaweynaynaa Wasiirka caafimaadka oo muujiyey geesinimo shaqo adagna soo qabtey, qofka xilkiisa gutana in la soo dhaweeyo wuu mudan yahay\u201d ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Biyuhu.<\/h2>\n<h2>Wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo Tiknoolajiyadda, Cali Xaamud Jibriil ayaa isaguna halkaasi ka sheegay \u201cWasiir aad iyo aad baanu kaaga mahad-celinaynaa hawsha mideynta bulshada ah ee aad soo qabatey, taasi oo ku waajahan siyaasadda dawladda, waxaanu leenahay waa ku dayasho fiican, waxqabad fiican oo dhinac kastaba ah, waana wax aad dadkaaga, dalkaaga iyo Diintaada aad u geysatay, waayo in umadda la walaaleeyo masuuliyad baa innaga wada saaran, waana inaynu dhinac u wada jeedsanno\u201d ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Somaliland oo ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka.<\/h2>\n<h2>Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qof kasta oo Somaliland u naxayaa uu ku farxay hawsha uu Wasiirka caafimaadku ka qabtey Buuhoodle \u201cQof kasta oo reer Somaliland ah oo dalkan u naxayaa wuu ku farxay hawsha uu Wasiirku ka qabtey Buuhoodle, annaguna waanu ku faraxsannahay\u2026\u201d ayuu yidhi, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiillada ee ka soo jeeda gobolka Sool.<\/h2>\n<h2>Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf ayaa isaguna amaanay hawsha Wasiir Xaglo-toosiye ka qabtey Buuhoodle \u201cHawsha uu wasiirku ka qabtey Buuhoodle waa hawl wanaagsan oo shacabku raali ka yahay\u201d ayuu yidhi, xoghayaha KULMIYE.<\/h2>\n<h2>Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ku simaha xoghayaha guud ee UCID ayaa isaguna yidhi \u201cAnnagu Mucaarad baanu nahay, laakiin wasiirka wax qabtey Mucaaradi mayno ee waxa uu dadka iyo dalka u qabtey ayaanu ku hambalyeynaynaa. Markaa wasiirku nabaddaa Buuhoodle ee ka soo shaqeeyay ee uu dadkiisa la jecel yahay waanu ku hambalyeynaynaa\u2026\u201d<\/h2>\n<h2>Gabogabadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), waxaanu yidhi \u201cWaxaan idiinka mahad-celinayaa sida sharafta leh ee aad ii soo dhaweyseen, anigoo ku maqnaa safar shaqo oo ILAAHAY nagu soo guuleeyay\u201d<\/h2>\n<h2>Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay \u201cSomaliland midnimadeedu waa Muqadas, Somaliland waxa leh reer Somaliland, fikir qaldan oo lagu kala qaybinayana ma ogolin, nabadgalyadeeduna waa muhiim, cid kasta oo nabadgalyadeeda wax u dhimaysana Somaliland u adkaysan mayso\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu farriin u diray Galaydh iyo kooxdiisa \u201cQolyaha Buuhoodle ka tagey ee hadda fadhiya Balicad ee qaska iyo nabadgalyo darada wada waa inay ka waantoobaan waxay ku jiraan, Somaliland-na u dul-qaadan mayso cid kasta oo nabadgalyadeeda lid ku ah. Cali Khaliif waxaan leeyahay nin weyn oo da\u2019 ah ayaad tahay, ma tihid kii maanta xabad qaadan lahaa ee waxaad tahay kii nabadda dhallin lahaa, waxaan ku leeyahay kaalay oo ka qayb-qaado nabadgalyada iyo horumarka\u2026.\u201d<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa, ka dib safar shaqo oo uu muddo ugu maqnaa Buuhoodle. Wasiirka Caafimaadka ayaa sumcad weyn ku kasbaday tallaabo uu ka qaadey hoggaamiyaha kooxda Khaatumo oo uu ka eryey Magaalada Buuhoodle oo uu isaguna safar ku joogay, ayaa waxa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":12521,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-12520","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3fW","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12520","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12520"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12520\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12520"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12520"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12520"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}