{"id":12439,"date":"2015-08-24T11:49:53","date_gmt":"2015-08-24T11:49:53","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=12439"},"modified":"2015-08-24T11:49:53","modified_gmt":"2015-08-24T11:49:53","slug":"ku-xigeenkii-xeer-ilaaliyaha-guud-ee-qaranka-somaliland-oo-iscasilay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/08\/24\/ku-xigeenkii-xeer-ilaaliyaha-guud-ee-qaranka-somaliland-oo-iscasilay\/","title":{"rendered":"Ku Xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Iscasilay"},"content":{"rendered":"<p>Warqada Iscasilaadiisa oo uu Maxamed Ibraahim ku baahiyey shabakadda bulshadu ku xidhiidho ee Facebook, ayuu ku sababeeyay Iscasilaadiisa arimo uu ku sheegay inuu u madax banaanaado hawlihiisa khaaska ah.<\/p>\n<div>Qayb ka mid ah Qoraalka uu iscasilaada ku dalbaday Xeer Ilaaliye Maxamed Ibraahim Cali ayaa waxa uu ku yidhi sidan &#8220;Waxaan halkan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilkii aan Qaranka JSL u hayay ee ahaa Ku\/Xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee JSL. (Deputy Attorney General). Iscasilaadaydiina u gudbiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Somaliland iyo Gudida Cadaalada Jamhuriyada Somaliland. Waxaan u mahad naqayaa xeer ilaaliyaha guud ee JSL iyo Guddida Cadaaladda ee JSL oo xilkaa ii magacaabay si aan Qaranka ugu shaqeeyo. Waxaan sidoo kale u mahad naqayaa dhammaan Xeer ilaaliyaasha iyo Garsoorayaasha aan la soo shaqeeyay mudadii aan ka tirsanaa Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa kale oo aan mahad taas la mid ah u dirayaa qof kasta oo igu taageeray intii aan xilka Qaranka u hayay. Waxaan isku casilay uun inaan u madax banaanaado hawlo ii gaar ah\u2026..ALLAH MAHAD Leh\u2026.\u201d\u00a0Warqadda iscasilaadda ee xeer ilaaliye ku xigeenku u gudbiyey xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa ku taariikheysan 21-ka bishan.<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warqada Iscasilaadiisa oo uu Maxamed Ibraahim ku baahiyey shabakadda bulshadu ku xidhiidho ee Facebook, ayuu ku sababeeyay Iscasilaadiisa arimo uu ku sheegay inuu u madax banaanaado hawlihiisa khaaska ah. Qayb ka mid ah Qoraalka uu iscasilaada ku dalbaday Xeer Ilaaliye Maxamed Ibraahim Cali ayaa waxa uu ku yidhi sidan &#8220;Waxaan halkan ku caddaynayaa in aan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":12440,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-12439","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3eD","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12439","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12439"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12439\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12439"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12439"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12439"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}