{"id":12181,"date":"2015-08-19T12:01:05","date_gmt":"2015-08-19T12:01:05","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=12181"},"modified":"2015-08-19T12:01:05","modified_gmt":"2015-08-19T12:01:05","slug":"magaca-wiilkii-shalay-ku-dhaawacmay-rasaas-boolisku-ku-riday-dhallinyaro-koox-koox-ah-oo-dagaal-ku-dhex-maray-xaafadda-daami-ee-hargeysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/08\/19\/magaca-wiilkii-shalay-ku-dhaawacmay-rasaas-boolisku-ku-riday-dhallinyaro-koox-koox-ah-oo-dagaal-ku-dhex-maray-xaafadda-daami-ee-hargeysa\/","title":{"rendered":"Magaca Wiilkii Shalay Ku Dhaawacmay Rasaas Boolisku Ku Riday Dhallinyaro Koox Koox Ah Oo Dagaal Ku Dhex Maray Xaafadda Daami Ee Hargeysa"},"content":{"rendered":"<p>Axmed Saxar-diid Maro-jiid oo ah wiil dhallinyaro ah ayaa dhaawac ka soo gaadhay rasaas ciidamada booliska ee Magaalada Hargeysa ku kala dareerinayeen dhallinyaro koox koox isku weeraray shalay gelinkii dambe.\u00a0Dhallinyarada uu ka midka ahaa wiilkan dhaawacmay ayaa ku dagaalamay inta u dhaxeysa xaafadaha Sheekh Madar iyo Daami ee degmada Gacan Libaax, waxayna dagaalkoodu saamayn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka, maadaama oo qaarkood isku adeegsanayeen dhagax, taasina sida la sheegay waxay keentay in ciidamada ammaanku kala dhex-galaan isla-markaana kala caydhintooda u adeegsadaan rasaas, taasi oo ah ta dhaawacu ka soo gaadhay wiilkan.<br \/>\nAxmed Saxar-diid Maro-jiid oo rasaastu kaga dhacday Madaxa iyo gacan ayaa dhaawaciisa la dhigay cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, sida uu xaqiijiyey Barkhad Jaamac Xirsi oo daggan xaafadda dhallinyaradu rabshadda ka sameeyeen isla-markaana dhaawaca ku booqday cisbitaalka guud.<\/p>\n<div id=\"middle_article_campaign\">\u00a0sidoo kale, wararka la xidhiidha rabshadahan ayaa tibaaxaya in ciidamada boolisku qabqabteen dhalinyaro door ah, kuwaasi oo ku eedaysan inay ka mid ahaayeen kuwii dagaalku dhex maray, laakiin taliyaha booliska oo uu Wargeyska Somalilandtoday la xidhiidhay si wax looga waydiiyo rabshadaha dhallinyarada iyo dhaawaca wiilka soo gaadhay ayaanay noo suurto-gelin inaanu ku helo telefoonkiisa gacanta.<br \/>\nWiilkan dhaawacu ka soo gaadhay rasaasta booliska, ayaan ahayn kii horeeyay laakiin toddobaadkan gudihiisa ayaa waxa cisbitaalka guud ee Hargeysa ku qudh-baxay wiil dhallinyaro ah oo ku dhaawacmay rasaas uu askari boolis ahi ku riday xilli uu ku xidhnaa saldhigga booliska ee degmada Ibraahim Koodbuur. Waxaana wiilkaasi ka sii horeeyay wiil kale oo u dhintay rasaas boolisku rideen xilli ay hawl-gal ka wadeen dhul lagu muransan yahay oo ku yaalla xaafadda Jigjiga-yar<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axmed Saxar-diid Maro-jiid oo ah wiil dhallinyaro ah ayaa dhaawac ka soo gaadhay rasaas ciidamada booliska ee Magaalada Hargeysa ku kala dareerinayeen dhallinyaro koox koox isku weeraray shalay gelinkii dambe.\u00a0Dhallinyarada uu ka midka ahaa wiilkan dhaawacmay ayaa ku dagaalamay inta u dhaxeysa xaafadaha Sheekh Madar iyo Daami ee degmada Gacan Libaax, waxayna dagaalkoodu saamayn ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":12185,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-12181","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3at","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12181","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12181"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12181\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12181"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12181"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12181"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}