{"id":12150,"date":"2015-08-18T13:35:03","date_gmt":"2015-08-18T13:35:03","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=12150"},"modified":"2015-08-18T13:35:03","modified_gmt":"2015-08-18T13:35:03","slug":"maxkamada-sare-oo-goaan-ka-gaadhay-khilaafkii-muddo-kordhinta-iyo-asxaabta-oo-ku-aqbalay-qaab-lafdhuungashay-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/08\/18\/maxkamada-sare-oo-goaan-ka-gaadhay-khilaafkii-muddo-kordhinta-iyo-asxaabta-oo-ku-aqbalay-qaab-lafdhuungashay-ah\/","title":{"rendered":"Maxkamada Sare Oo Go\u2019aan Ka Gaadhay Khilaafkii Muddo Kordhinta iyo Asxaabta oo ku aqbalay qaab lafdhuungashay ah"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Maxakamadda Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa go\u2019aan ka soo saartay dacwadii ku saabsanayd muranka ka dhashay muddo kordhinta xukumadda iyo wakiillada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Maxakamadda ayaa ka gar naqaysay go\u2019aankii guurtidu 11-kii May mudo xileedka ugu kordhisay Madaxweynaha,kuxigeenkiisa iyo golaha wakiillada ee ahaa in doorashada la qabto March, 2017-ka iyo go\u2019aankii xisbiyada iyo xukumaddu iskula qaateen in doorashada la qabto December, 2016-ka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Labadaasi go\u2019aan oo muran ka dhashay ayay maxakamaddu raacday go\u2019aanka guurtida ee ahaa in doorashada la qabto March, 2017-ka, waxaanay sheegtay in go\u2019aanka kaliya ee sharciga waafaqsani kaas yahay.<\/p>\n<p>Dhinacyada doorashadu khusayso ayaa goob joog ka ahaa ku dhawaaqista go\u2019aanka maxakamadda sare ee Somaliland.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Go\u2019aanka Maxakamadda sareMaxkamada Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Markii ay \u00a0aragtay \u00a0<\/strong>\u00a0Qodobka 98aad, Faqradda 1aad, Xarafka (b) oo sheegaya in Garsoorku awood u leeyahay fasiraadda macnaha xeerarka kasoo baxa Golayaasha Dastuuriga ah, iyo Xarafka (j) oo ah in uu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka \u00a0JSL.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Markay aragtay\u00a0<\/strong>\u00a0Qodobka 15aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ee JSL<strong>,\u00a0<\/strong>Faqradda 1aad, Xarafka (b) oo sheegaya macnaynta iyo fasiraadda Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo marka la isku qabsado nuxurka ujeeddadooda, iyo Faqradda 11aad oo sheegaysa in Maxkamadda Dastuuriga ahi ka taliso muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka oo ay laba dhinac isku hayaan.<\/p>\n<p><strong>Markay Daristay\u00a0<\/strong>Warqada Madaxweynaha JSL. ee Lr. JSL\/MD\/100-3450\/082015, kuna saabsanayd Codisaga Fasiraad ee uu ka dalbaday Maxkamada Dastuuriga ah kuna taariikhaysan 08\/08\/2015<\/p>\n<p><strong>Markay Daristay\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/strong>Go\u2019aanka mudo kordhinta ee\u00a0 Golaha Guurtida JSL ee\u00a0<em>Ref\/G\/G\/JSL\/Go\u2019aan Lambar 04\/05\/2015<\/em>\u00a0kuna Taariikhaysan 11\/05\/2015.<\/p>\n<p><strong>Markay Daristay\u00a0<\/strong>\u00a0\u00a0Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, WADANI iyo UCID isla markaana uu\u00a0 Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Golo joog ka ahaa \u00a0Kuna Taariikhaysan 27\/05\/2015<\/p>\n<p><strong>MAXKAMADDU WAXAY KU SABABAYSAY QARAARKEEDA ASBAABTAN HOOS KU XUSAN<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>In Madaxweynaha JSL \u00a0uu dalbaday kaliya in tafsiir lagu sameeyo labada xili doorasho ee\u00a0 ay kala tilmaamayaan Go\u2019aanka Golaha Guuritida iyo Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaran.<\/li>\n<li>In aanu Madaxweynuhu ka \u00a0dalban Maxkamada \u00a0fasiraad ku saabsan in Go\u2019aanka muddo kordhinta ee Madaxwaynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Golaha Wakiillada ee Golaha Guurtidu \u00a0kordhiyas waafaqsan-yahay \u00a0Dastuurka JSL iyo in kale,\u00a0 isla markaana aanay jirin cid durtay.<\/li>\n<li>In aanu jirin Heshiis Midaysan oo saddexda Xisbi Qaran u Gudbiyeen Golaha Guurtida intii aanay samaynin Mudo Kordhinta, isla markaana Xisbayada Qaranku ay heshiiskooda, Qodobka 1aad, ku ixtiraameen Go\u2019aankii Golaha Guurtida.<\/li>\n<li>In Gudida Doorashadu cadeeyeen in aan farsamo ahaan doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenku\u00a0 ku qabsoomayn\u00a0 26\/06\/2015.<\/li>\n<li>In muddo xileedka \u00a05-ta sano ee \u00a0ay doorashada ku yimaaddaan Madaxweyenaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiilada iyo muddada uu kordhiyaan Golaha Guurtidu marka ay 5-ta \u00a0sano ee ay doorashada ku yimaaddeen \u00a0ay dhammaato, si waafaqsan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL,\u00a0 ay leeyihiin ku dhaqan sharci oo isku mid ah<\/li>\n<li>In Golayaasha Qaranku ( Fulinta iyo Xeer dajinta) ay isku mid yihiin awoodooda sharci ee muddo xileedka ay doorasho ku yimaaddaan iyo muddada loo kordhiyo \u00a0aftidii Dastuurka ee 2001 horteed iyo dabadeedba. Tusaalena waxa ah in Xeer-dajintu iyaga oo ku fadhiya Mudo kordhin ay abuureen Xeerar cusub, ansixiyeen Gudiyo iyo Masuulyiiin Qaran, iwm. Dhinaca kale \u00a0aftidii dastuurka ee 2001-dii horteed iyo dabadeedba waxa jiray \u00a0Madaxweynayaal kala duwan \u00a0oo dalka soo maray saxeexayna \u00a0\u00a0Xeerar iyo Mashruucyo sharci si ay u dhaqangalaan, isla markaana\u00a0 magacaabay Masuuliin Qaran iyo\u00a0 Gudiyo, waxa kale oo ay qaateen Go\u2019aano Masiiri ah iyaga oo ku fadhiyay Mudo kordhin.<\/li>\n<li>In awoodda muddo kordhinta Golayaasha Kala Duwan ee Qaranka Marka ay ka dhamaato muddo xileedka ay doorasho ku yimaaddeen uu leeyahay Golaha Guurtidu si\u00a0 waafaqsan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL.<\/li>\n<\/ul>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sidaa darteed Maxkamada Dastuuriga ah JSL waxay soo saartay Qaraarkan:<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong><u>QARAAKA FASIRAADDA MAXKAMADDA DASTUURKA<\/u><\/strong><\/p>\n<p><strong><u>Maxkamada Dastuuriga ahi waxa ay soo saartay\u00a0 Qaraarkan Fasiraadda ah ee \u00a0soo socda:<\/u><\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<ul>\n<li>Waxa ay Go\u2019aamisay Maxkamaddu ku dhaqanka xilliga qabsoomida doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Golaha Wakiilada in uu noqdo sida ku cad Faqradda B, Qaybteeda 5aad ee Go\u2019aanka Guurtida kuna beegan bil ka hor dhamaadka muddada xilka loo kordhiyay Madaxeynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Golaha Wakiilada JSL oo ku dhamaanaya 27\/4\/2017, si waafaqsan Qod.83, Faqrada 2aad iyo Qod.42aad Faqrada 2aad iyo 3aad ee Dastuurka JSL.<\/li>\n<li>Waxa ay Maxkamaddu laashay\u00a0 heshiiska Saddexda Xibsi Qaran ee KULMIYE, WADDANI IYO UCID ee ku taariikhaysan 27\/05\/2015 mana laha wax dhaqan-gal sharci ah maadaama Golaha Guurtidu aanay aqbalin soojeedintii Xisbiyada si wax kabadal iyo kaabid loogu sameeyo Go\u2019aanka mudo kordhinta Golaha Guurtida\u00a0 ee ku taariikhaysnaa \u00a011\/05\/2015.<\/li>\n<li>Waxa ay Go\u2019aamisay Maxkamaddu in maalinta Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Golaha Wakiiladu noqoto 28\/03\/2017 kuna beegan Bil ka hor dhamaadka Mudada xilka loo kordhiyay oo ah 27\/04\/2017. Waana in si rasmi ah u soo cayinto Gudidda Dooraashooyinka Qaranku isla markaana waa in Madaxweynuhu ku soo saaro Degreeto sida uu dhigaayo Qod: 8aad ee Xeer Lr\/20\/2001.<\/li>\n<li>Waxay Go\u2019aamisay Maxkamaddu in mudo Xileedka 5 (shanta) sano ee\u00a0 ay doorasho ku yimaaddaan\u00a0 Madaxweyenaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiilada iyo Muddada uu Kordhiyo Golaha Guurtidu marka ay 5ta sano ee muddo xileedka doorasho ay\u00a0 ku yimaadaan dhamaato si waafaqsansan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL\u00a0 ay isku mid yihiin, leeyihiina dhaqan-gal sharci oo isku mid ah.<\/li>\n<li>Qaraarkan fasiraadda ah waxa ay Maxkamaddu soo saartay maanta oo taariikhdu tahay 18\/08\/2015.<\/li>\n<\/ul>\n<p>Halkan ka akhriso Go\u2019aanka Maxkamada<a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/08\/maxkamada12.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-12151\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/08\/maxkamada12.jpg?resize=540%2C960\" alt=\"maxkamada12\" width=\"540\" height=\"960\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/08\/maxakamada13.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-12152\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/08\/maxakamada13.jpg?resize=540%2C960\" alt=\"maxakamada13\" width=\"540\" height=\"960\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Maxakamadda Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa go\u2019aan ka soo saartay dacwadii ku saabsanayd muranka ka dhashay muddo kordhinta xukumadda iyo wakiillada. &nbsp; Maxakamadda ayaa ka gar naqaysay go\u2019aankii guurtidu 11-kii May mudo xileedka ugu kordhisay Madaxweynaha,kuxigeenkiisa iyo golaha wakiillada ee ahaa in doorashada la qabto March, 2017-ka iyo go\u2019aankii xisbiyada iyo xukumaddu iskula qaateen in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":12152,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-12150","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-39Y","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12150","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12150"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12150\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12150"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12150"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12150"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}