{"id":12144,"date":"2015-08-17T13:16:35","date_gmt":"2015-08-17T13:16:35","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=12144"},"modified":"2015-08-17T13:16:35","modified_gmt":"2015-08-17T13:16:35","slug":"usa-maamulka-columbus-ohio-oo-diiday-xijaabka-haweenka-booliiska","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/08\/17\/usa-maamulka-columbus-ohio-oo-diiday-xijaabka-haweenka-booliiska\/","title":{"rendered":"USA: Maamulka Columbus Ohio oo diiday Xijaabka Haweenka Booliiska"},"content":{"rendered":"<p>Columbus(AN)Duqa magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka Mr.Michael B. Coleman ayaa taageeray go\u2019aan kasoo baxay Taliska booliiska magaaladaasi oo dhawaan diiday in haweenka muslimka ah ee kamid noqonaya Booliiska ay xirtaan xijaabka.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa dood xoogan ka dhalisay magaalada Columbus Ohio iyadoo ay jireen dad si weyn u taageersanaa in haweenka Booliiska ay xirtaan xijaabka kuwaasi oo u badnaa Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi.<\/p>\n<p>Ciise oo horaantii sanadkan isaga baxday akademiyada Booliiska kadib markii loo diiday inay xirato xijaabka.<br \/>\nIsmahaan ayaa sheegtay in Xijaabka uu kamid yahay diinteeda iyo dhaqankeeda, uuna qeyb ka yahay shaqsiyadeed lagu aqoonsado, ayaa waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay kamid noqoto ciidamada Booliiska hadii loo fasaxo in xijaabka ay xirato.<\/p>\n<p>Balse Taliska Booliiska Columbus Ohio ayaa sheegay inaysan si gaar ah uga soo horjeedin xijaabka, balse diidayaan dhamaan astaamaha diinta, sida afhayeenka Booliiska Columbus u sheegay Horseed Media, wuxuuna intaasi raaciyey astaamaha diinta ay meesha ka saareyso dhex dhexaadnimada Booliiska.<\/p>\n<p>Micheal B Coleman: Duqa magaalada Columbus Ohio<br \/>\nMicheal B Coleman: Duqa magaalada Columbus Ohio<br \/>\n\u201c\u2026Shacabka marka ay arkaan askarta Booliiska, maaha inay arkaan Askari Kirishtaan ah, ama Muslim ah ama Yuhuud ah, balse waa inay arkaan Askari dhex dhexaad ah\u2026.\u201d ayuu yiri Duqa magaalada Columbus Michael B. Coleman.<br \/>\nDalalka Maraykanka iyo Canada ayey ka jiraan magaalooyin qaarkood sida gobalada Minnesota iyo Texas inay ciidamadooda booliiska ogolaadaan in askartooda ay xirtaan xijaabka, balse go\u2019aankaasi ayaa ah mid u gaar ah inay gaaraan Taliyayaasha ciidamada degmooyinka iyo maamulka degmada.<\/p>\n<p>Maamulka Columbus ayaa sheegay inay dhawaan sameyn doonaan kulan balaaran oo ay ku dhiiri gelinayaan in dadka laga tiro badan yahay oo ay ku jiraan Jaaliyadda Soomaalida inay kusoo biiraan ciidamada Booliiska ee magaaladaasi.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Columbus(AN)Duqa magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka Mr.Michael B. Coleman ayaa taageeray go\u2019aan kasoo baxay Taliska booliiska magaaladaasi oo dhawaan diiday in haweenka muslimka ah ee kamid noqonaya Booliiska ay xirtaan xijaabka. Arrintan ayaa dood xoogan ka dhalisay magaalada Columbus Ohio iyadoo ay jireen dad si weyn u taageersanaa in haweenka Booliiska ay xirtaan xijaabka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":12145,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-12144","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-39S","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12144","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12144"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12144\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12144"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12144"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12144"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}