{"id":11991,"date":"2015-08-13T15:22:01","date_gmt":"2015-08-13T15:22:01","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=11991"},"modified":"2015-08-13T15:22:01","modified_gmt":"2015-08-13T15:22:01","slug":"shirgudoonka-guurtidda-oo-sheegay-in-maxkamadda-sare-aanay-xukumin-ba-sharci-darro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/08\/13\/shirgudoonka-guurtidda-oo-sheegay-in-maxkamadda-sare-aanay-xukumin-ba-sharci-darro\/","title":{"rendered":"Shirgudoonka Guurtidda Oo Sheegay In Maxkamadda Sare Aanay Xukumin-ba Sharci Darro"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa sheegay in Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu Maxkamadda sare u gudbiyo haddii go\u2019aankii ay muddo xilkeedka ugu kordhiyeen Xukuumadda iyo Wakiiladda ku arko qodobbo khalad ah oo ka horimanay Dastuurka.<\/p>\n<p>Md. Siciid Jaamac Cali oo shalay magaalada Hargeysa Waraysi ku siiyay Telefishanka Horn Cable TV waxa kale oo uu sheegay in gole ahaan hay\u2019addaha qaranka oo dhan ay kula shaqeeyaan waajibaad Dastuurku siiyay, waxaanu beeniyay in aanay si gaar ah ula shaqayaan Xukuumadda.<\/p>\n<p>\u201cMuddo kordhinta annaga Madaxweynuhu nagama dalban, Golaha Wakiiladuna nagama dalban laakiin annaga sharcigu na faray, waxa sharcigu na farayana waa waajib aanu gudanayno oo nama farayo Madaxweynaha in aanu weydiino intee baad doonaysaa iyo intee baad ku kalsoon tahay, mana samaynyo annagu taas. Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay haddii uu madmadow ku arkay go\u2019aankayagii qodobbada aanu cuskanay qaybo ka mid ah oo haddii uu madmadow ku arko Distoorka ka horimanayo dee xaq buu u leeyahay inuu u gudbiyo Maxkamadda Distuuriga ah oo ta keliya ee tafsiir ku samayn karta wixii sharci ah ee hay\u2019addaha dawladdu ku kala shakiyaan,\u201d Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali\/<\/p>\n<p>Guddoomiye Ku xigeenku isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi \u201cGolaha Guurtiddu cidna uma xagliyo, hay\u2019addaha dawladdu wey u siman yihiin Golaha Guurtiduna waajibaad Distuuriya ayuu leeyahay oo Dastuurku siiyay, waajibaadkaa Distooriga ah bay kula shaqeeyaan hay\u2019addaha dawladda haddii ay noqoto Madaxtooyada, haddii ay noqoto Golaha Wakiiladda, haddii ay noqoto garsoorka iyo haddii ay noqoto hay\u2019addaha kale ee qaranka. Waayo waxa weeyaan waa gole dhex ah, waajibkaa Dastuurku siiyay ayay kula shaqaysaa oo si dhexdhexaadnimo ah oo waddaninimo ah ula shaqaysaa.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtidu oo la weydiiyay go\u2019aamada ay Maxkamadda sare soo saarto inay ku qancayaan, waxa uu ku jawaabay \u201cMaxkamadda Dastuuriga ah, waa Maxkamadda sharcigu u fasaxay ee Dastuurku u fasaxay, Dastuurkuna waxa weeyaan waa sharciga ugu sareeya dalka, waanu ku qanacsanahay sababta aanu ugu qanacsan nahay waxa weeyaan kalsoonida aanu Maxkamadda ku qabno. Maxkamaddu wax sharci darro ah oo Dastuurka ama xeerarka wax u dhimaya aanay xukumayn oo aanay ku kacayn.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa sheegay in Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu Maxkamadda sare u gudbiyo haddii go\u2019aankii ay muddo xilkeedka ugu kordhiyeen Xukuumadda iyo Wakiiladda ku arko qodobbo khalad ah oo ka horimanay Dastuurka. Md. Siciid Jaamac Cali oo shalay magaalada Hargeysa Waraysi ku siiyay Telefishanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2746,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-11991","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-37p","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11991","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11991"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11991\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11991"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11991"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11991"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}