{"id":11968,"date":"2015-08-13T10:32:08","date_gmt":"2015-08-13T10:32:08","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=11968"},"modified":"2015-08-13T10:32:08","modified_gmt":"2015-08-13T10:32:08","slug":"gudoomiya-xisbiga-ucid-oo-ugu-baaqay-madaxwaynaha-in-uu-magacaabo-gudi-baadha-sababta-askartu-udilayso-saraakiishooda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/08\/13\/gudoomiya-xisbiga-ucid-oo-ugu-baaqay-madaxwaynaha-in-uu-magacaabo-gudi-baadha-sababta-askartu-udilayso-saraakiishooda\/","title":{"rendered":"Gudoomiya Xisbiga Ucid oo ugu baaqay Madaxwaynaha  in uu magacaabo gudi baadha sababta Askartu udilayso saraakiishooda"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay dilalka Saraakiisha Ciidamada ee muddooyinkii ugu dambeeyey dalka ku soo kordhaayey, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu sameeyo Komishan madax banaan oo soo baadha sababta dhabta ah ee dilalkan Saraakiisha keenaysa.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay hawlgalada ay inta badan Ciidamada Boolisku fuliyaan, oo badanaa khaasare iskugu jira dhaawac iyo dhimasho ka yimadaan, waxaanu ku taliyey in Ciidamada laga reebo rasaasta marka ay hawlagada ay fuliyaan, isla markaana isticmaalan qalabka iyo gaashanka loo adeegsado xaaladaha jira, ee ay markaas doonayaan inay wax ka qabtaan, waxaanu ugu sidoo kale ka hadlay maamulada hawada Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey khilaaf ka dhex taagnaa Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in ilaa hadda aan lagu kala bixin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan\u201cIn la sameeyo weeye Guddi Madax banaan oo arintaas [dilalka saraakiisha] soo baadha, waxa ay u eegtahay inay cadaalad daro ka taagan tahay Ciidamada, markaas haddii uu bilaa\u2019adanku caadalad waayo wax kasta wuu ku kacayaa, oo wata Somalidu ku maahmado Rag ciil cadaab buu ka doortay, in la laayo Taliyayaashii iyo Saraakiishi waxa ay u eeg tahay in meeshii nidaam daro iyo cadaalad daro ka taagan tahay, markaas si loo helo xaqiiqda waxa taagaan; Madaxweynuhu waa inuu komishan madax banaan u sameeya oo dilalkaas si daba jooga ah sababta dhalisay soo baadha\u201d.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey hawlgalada ay fuliyaan Ciidamada Boolisku ayaa\u00a0 yidhi \u201cCiidamadu marka ay ka hor tagayaan banaanbax iyo waxaas qalab gooniya baa la siiya,\u00a0\u00a0 Rasaasna waa laga ilaaliya, Rasaas wax dishana inay qoryaha ku qaatan waa\u00a0 laga ilaaliyaa, waana ka mamnuuc adduunka waa in qalabkii iyo gaashankii ay soo iibsadaan, oo laga ilaaliyaa in shacabka xabad loola tago.\u201d Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey murankii hawada ee Somaliland iyo Somaliya u dhexeeyey ayaa yidhi \u201cWali arintaasi wey taagan tahay gacantana waa lagu haya walina laguma heshiin, walibana waa muran taagan\u201d<\/p>\n<p>Xigasho Geeska<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Harggaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay dilalka Saraakiisha Ciidamada ee muddooyinkii ugu dambeeyey dalka ku soo kordhaayey, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu sameeyo Komishan madax banaan oo soo baadha sababta dhabta ah ee dilalkan Saraakiisha keenaysa. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, oo wareysi gaar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9542,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-11968","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-372","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11968","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11968"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11968\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11968"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11968"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11968"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}