{"id":11755,"date":"2015-08-06T19:29:03","date_gmt":"2015-08-06T19:29:03","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=11755"},"modified":"2015-08-06T19:29:03","modified_gmt":"2015-08-06T19:29:03","slug":"wasiir-nin-qawlkiisa-dafiray-ubadkiisna-wuu-dafiraa-ee-bal-dib-isu-daawo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/08\/06\/wasiir-nin-qawlkiisa-dafiray-ubadkiisna-wuu-dafiraa-ee-bal-dib-isu-daawo\/","title":{"rendered":"Wasiir; Nin Qawlkiisa Dafiray, Ubadkiisna wuu Dafiraa ee bal dib isu daawo"},"content":{"rendered":"<blockquote><p><strong>Horaa loo yidhi \u2018canaan ka yaab reer ma doojo\u2019<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u201cDadkii isu soconayey ma jiraan, way xanniban tahay halkaasi (xuduudka Somaliland iyo Jabuuti), lacagta cashuurta ee xaggeena Somaliland oo koradhay ayey dadku ka wada joogsadeen oo socodkii ka yaraaday\u2026\u201d<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u201cWaxaannan ka hadal cidda iga qortay ayaan doonayaa inaan dacwad ku oogo ama uu beeniyo. Anigu kamaan hadal ee haddii uu iga duubay cod ha ku soo daayo\u2026Waxan maan arag, dawladahan (Somaliland iyo Jabuuti) iyo arrimahoodana ma dhexgelin\u2026\u201d<\/strong><\/p><\/blockquote>\n<p>Haddallada is burinaya ee kor ku xusan waxa ay 48 saacadood gudahood ka soo yeedheen Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalkiisa Somaliland Axmed Cabdi Kaahin oo kalsooni-darro darteed si indho la\u2019aan ah u beeniyey hadal maqal iyo muuqaalba lagu hayo oo uu warbaahinta u jeediyey maalintii Isniintii, kaas oo ku soo baxay cadadkii Wargeyska <strong><em>Jamhuuriya<\/em><\/strong> ee Arbacadii shalay, kaas oo wasiirka ku noqday qumbulad qaawisay ceebtiisa.<\/p>\n<p>Wasiir Kaahin ayaa shir jaraa\u2019id oo uu u qabtay qaar ka mid ah telefishannada maxalliga ah waxa uu ku sheegay in cashuuro xukuumadda Somaliland kordhisay sabab u noqdeen inuu xannibmo isu-socodkii dhinaca dhulka ee u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Jabuuti, hadalkaasi oo isagoo qoraal ah uu daabacay <strong><em>Jamhuuriya<\/em><\/strong>cadadkiisii shalay, iyadoo xaqiijinta arrintaasi uu warka wargeyska kula wadaagayey xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud (Jirde) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida ee ka soo jeeda Gobolka Salal oo isaguna sida wasiirka si la mid ah u sheegay in cashuuraha la kordhiyey saamayn culus ku yeesheen dhaqdhaqaaqii ganacsi ee u dhexeeyey labada waddan.<\/p>\n<p>\u201cDadkii isu soconayey ma jiraan, way xanniban tahay halkaasi (xadka Somaliland iyo Jabuuti) lacagta cashuurta ee xaggeena (Somaliland) oo koradhay ayey dadku ka wada joogsadeen oo socodkii ka yaraaday,\u201d ayuu si cad u yidhi Md. Axmed Cabdi Kaahin oo ka jawaabayey su\u2019aal laga waydiiyey isu-socodka Somaliland iyo Jabuuti, waxaanna mar kale weriyuhu waydiiyey sababta arrintaasi ay wax uga qabanwaayeen wasiirrada uu ka mid yahay ee xukuumaddu, waxaannu yidhi, \u201cDhib ma jiro ee wax dadka itaalkiisa ah ayuun baa meesha yimi, wixii cashuur la kordhiyey dalka ee xeer ah annagu ma dhimi karno.\u201d<\/p>\n<p>Haseyeeshee, Wasiirka Ciyaaraha oo u muuqday qof ku sifoobay odhaahda Soomaaliyeed ee tidhaa \u2018Canaan ka yaab reer ma doojo,\u2019 ayaa mar kale waraysi uu siiyey telefishanka HCTV si indho la\u2019aan ah u beeniyey qawlka maqalka iyo muuqaalka lagu hayo ee aan madmadowgu ku jirin, isagoo eedda qumbuladda ceebta uu isagu isku qarxiyey kula galgashay Wargeyska <strong><em>Jamhuuriya <\/em><\/strong>oo uu indho-adayg darteed ku sheegay inuu ka been abuuray hadal aannu odhan.<\/p>\n<p>\u201cAnigu waxaan ka hadlay ciyaaraha iyo abaaraha, saaka (shalay) <strong><em>Jamhuuriya<\/em><\/strong> oo aanan anigu arag meel ay ka timi iyo meel ay joogtayna waxay halkan ku soo qortay oo ay tidhi Jabuuti iyo Somaliland way kala xidhmeen cashuuraha Somaliland kordhisay awgeed, waxaannan odhan ayaa wargeyska <strong><em>Jamhuuriya<\/em><\/strong> ku soo baxay maanta (shalay), ciddii kale ee ka hadlaysa aniga waxba igama khuseeyaan, laakiin anigoo wasiirkii ah waxaannan ka hadal cidda iga qortay ayaan doonayaa inaan dacwad ku oogo ama uu beeniyo.\u201d<\/p>\n<p>\u201cAnigu kamaan hadal ee haddii uu iga duubay cod ha ku soo daayo, haddii aanaan is-aragba sidee ayuu iiga sheegaa war been ah, waa dhibaatooyinka dadka iska horkeenna. Waxan maan arag, dawladahan (Somaliland iyo Jabuuti) iyo arrimahoodana ma dhexgelin, su\u2019aal buu HCTV i waydiiyey oo waxay yidhaahdeen waadigii socdaalka ku tagay Jabuuti ee ka warran Somaliland iyo Jabuuti? Oo way fiican tahay baan idhi, waxanse iminka la qoray ciddii qortay baan doonayaa inay caddayso,\u201d ayuu yidhi Wasiirka oo hadalkiisii hore beeninayaa.<\/p>\n<p>Hadallada isburinaya ee Wasiir Axmed Cabdi Kaahin isku qaawiyey oo iyagoo muuqaal ah laga daawan karo baraha internet-ka, wargeyskuna ugu hayo markhaati-fur meel kasta uu ku soo bandhigi karo, iyadoo aanay <strong><em>Jamhuuriya<\/em><\/strong> dhaqan u ahayn in laga been sheego ama hadal aannu qofku odhan la baahiyo. Sidaas darteed, wargeyska <strong><em>Jamhuuriya<\/em><\/strong> noqon maayo meel uu kaga galgalsho fool-xumada ay leedahay masuul qaran oo macno-darro u beeniyey qawl afkiisa ka soo baxay oo aan markhaatigiisa meel fog laga doonayn, iyadoo sababta qudha ee uu sharaftiisa u bahdilay tahay inuu ilaashado kursigiisa oo qudha, balse aannu ka fikirin saamaynta ay shakhsiyaddiisa ku yeelan karto laba codlaynta is-burinaysa.<\/p>\n<p>Uma baahna in lagu sii tiigaalo foolxumada iyo fadeexadda uu ku fool-dhaqday wasiirku, xaalkiisuna kama duwanna odhaahda tidhaa \u2018Nin qawlkiisa dafiray, ubadkiisana wuu dafiraa.\u2019<\/p>\n<p>Halkan ka Daawo Hadalka Wasiirka ee Is Burinaaya<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/Ww3O3P6tdy8\" width=\"420\" height=\"315\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Horaa loo yidhi \u2018canaan ka yaab reer ma doojo\u2019 \u201cDadkii isu soconayey ma jiraan, way xanniban tahay halkaasi (xuduudka Somaliland iyo Jabuuti), lacagta cashuurta ee xaggeena Somaliland oo koradhay ayey dadku ka wada joogsadeen oo socodkii ka yaraaday\u2026\u201d \u201cWaxaannan ka hadal cidda iga qortay ayaan doonayaa inaan dacwad ku oogo ama uu beeniyo. Anigu kamaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":8508,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-11755","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-33B","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11755","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11755"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11755\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11755"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11755"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11755"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}