{"id":11493,"date":"2015-07-28T21:32:01","date_gmt":"2015-07-28T21:32:01","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=11493"},"modified":"2015-07-28T21:32:01","modified_gmt":"2015-07-28T21:32:01","slug":"xisbiga-waddani-oo-madaxwayne-ku-xigeenka-somaliland-u-soo-jeediyay-inuu-is-casilo-iyo-sababta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/07\/28\/xisbiga-waddani-oo-madaxwayne-ku-xigeenka-somaliland-u-soo-jeediyay-inuu-is-casilo-iyo-sababta\/","title":{"rendered":"Xisbiga WADDANI Oo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland U Soo Jeediyay Inuu Is Casilo iyo sababta"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Kuxigeenka guddoomiyaha Waddani, Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inaanu garanayn sababta Madaxweyne xigeenku kursiga ugu sii fadhiyo maadaama la ixtiraami waayay go\u2019aammada uu ka gaadho arrimaha madaxweynuhu u xilsaaro. Waxa uu sheegay in wasiiro awood sheeganayaa talada ka maroorsadeen.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hadalka Guddoomiye xigeenka Waddani, ayaa imanaya iyadoo ay isa soo tarayaan warar ku saabsan khilaaf cakiran oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa\u00a0 islamarkaana Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici ku hanjabay inuu iscasilayo.<\/p>\n<p>Mudane Seed, waxa uu xukumadda ku eedeeyay inay masuul ka tahay khilaafaad ku soo noqnoqday Jaamacadda Hargeysa 5-tii sanno ee ay xilka haysay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cRuntii Shantii Sannadood ee xukumadda Siilaanyo xilka haysay jaamacadda Hargeysa waxaa ku jiray khilaaf. Waxay shacbiga Somaliland ka dheregsan yihiin in Madaxweyne xigeenku dhabar ka ku qaatay inuu xalliyo khilaafka Jaamacadda, waxaase runtii Nasiib darro ah, in go\u2019aankii madaxweyne xigeenku shaqayn waayay oo wasiiro tiro yar oo awood badan sheeganayaa khilaafeen go\u2019aankii madaxweyne xigeenka, taasina ay tahay nasiib darro haysata xukumadda maanta jirta,\u201d ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.<\/p>\n<p>Guddoomiye xigeenka Waddani, waxa uu ku booriyay Madaxweyne xigeenka inuu xilka iskaga tago maadaama aan go\u2019aammadiisu soconayn \u201cKhilaafka jaamacaddu wuu joogsan waayay, go\u2019aankii madaxweyne xigeenkuna wuu socon waayay. Dastuuriyan dalka waxaa la doortay Madaxweyne iyo kuxigeen laakiin, waxaa wax lala yaabo ah\u00a0 talo kasta oo madaxweyne xigeenku cid la saxeexdo go\u2019aankiisu ma soconayo. Waa nasiib darro madaxweyne xigeenka gaar u haysata, Waayo? Go\u2019aankii anaga saddexdayada xisbi qaran uu nala qaatay wuu socon waayay, go\u2019aankii khilaafaadka jaamacaddu wuu socon waayay. Anigu ma garanayo xilka Madaxweyne xigeenku ku sii jeclaysanayo inuu kursiga ku sii fadhiyo maadaama ay go\u2019aammadiisii socon la\u2019yihiin, anigu taas ma garanayo\u201d ayuu yidhi Mr Seed.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Shalay ayay sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, sheegeen inuu jiro khilaaf Cakiran oo labada masuul ee dalka u sareeya u dhexeeya balse Mudane Saylici yahay Mid kolba la diido go\u2019aamadiisa.<\/p>\n<p>\u201cSaylici muddo dheer buu kolba du\u2019dayay oo kolba ka cararayay meesha(Madaxtooyada), haddana kama tago. Meesha kama tage waxna kama tare weeye. Waa ninka intuu gogol dhigay oo wax nala saxeexday haddana yidhi xaggii madaxtooyada ayaa laga diiday. Waxaan odhan lahaa waar illayn Madaxweyne xigeen baad tahay awoodahaaga dastuurku ku siiyay isticmaal amma si cad isku casil oo iskaga tag meesha\u201d ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.<\/p>\n<p>Xildhibaan Naasir ayaa isna yidhi \u201cQaranka Somaliland waa la ogyahay in madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka khilaaf ka dhex jiro, haddii taasi sii socotana qaranka ayaa halis ku jira. Haddii meesha khilaaf yimaado dee wada shaqayntii iyo dantii qaranku meesha way ku burburayaan\u201d<\/p>\n<p>Dastuurka Somaliland oo diciifiyay awoodaha Madaxweyne xigeenka ayaa qodobka 91-aad ee dastuurka farqaddiisa 2-aad sheegaysaa in madaxweyne xigeenka awoodihiisa ay ka mid tahay \u201cGudashada hawlaha madaxweynuhu u Igmado\u201d, hase ahaatee waxaa muuqata in heshiika Khilaafka jaamacadda iyo heshiiska Asxaabta ee Madaxweyne xigeenku go\u2019aammada ka gaadhay socon waayeen, isagoo\u00a0 igmasho rasmi ah ka haysta madaxweynaha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Kuxigeenka guddoomiyaha Waddani, Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inaanu garanayn sababta Madaxweyne xigeenku kursiga ugu sii fadhiyo maadaama la ixtiraami waayay go\u2019aammada uu ka gaadho arrimaha madaxweynuhu u xilsaaro. Waxa uu sheegay in wasiiro awood sheeganayaa talada ka maroorsadeen. &nbsp; Hadalka Guddoomiye xigeenka Waddani, ayaa imanaya iyadoo ay isa soo tarayaan warar ku saabsan khilaaf [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-11493","post","type-post","status-publish","format-standard","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2Zn","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11493","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11493"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11493\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11493"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11493"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11493"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}