{"id":11018,"date":"2015-07-11T17:47:38","date_gmt":"2015-07-11T17:47:38","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=11018"},"modified":"2015-07-11T17:47:38","modified_gmt":"2015-07-11T17:47:38","slug":"wasiirka-amaanka-somalia-oo-ka-warbixiyay-weerarradii-ay-xalay-al-shbaaab-ka-fulisay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/07\/11\/wasiirka-amaanka-somalia-oo-ka-warbixiyay-weerarradii-ay-xalay-al-shbaaab-ka-fulisay-muqdisho\/","title":{"rendered":"Wasiirka Amaanka Somalia oo ka Warbixiyay Weerarradii ay Xalay Al-shbaaab ka Fulisay Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(AN) \u2014 Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in Toddoba ka mid ah xoogaggii Weeraray xalay Hoteellada Weheliye iyo Siyaad ee Muqdisho la dilay, isla markaasina xalay lasoo af-jaray howlgaladii weerarradaas oo Al-shabaab ay sheegatay inay mas&#8217;uul ka tahay.<\/p>\n<p>Wasiirka Amniga Gudaha Somaila, C\/risaaq Cumar Maxamed oo booqday labadii hoteel ee la weeraray ayaa indho-indheyn ku sameeyay sidii ay wax ku dhaceen, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan ayna la shaqeeyaan hay\u2019adaha kala duwan ee amniga si looga hortago falalka noocan oo kale ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wasiirka waxaa la socday xubno kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo uu ka mid ahaa wasiirka Gaashaandhigga, Jen. C\/qaadir Sheekh Cali DIini iyo Taliyaha Nabbad-sugidda Qaranka, C\/raxmaan Tuur-yare.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowladda ay hiowlgallada looga horta-gayay xoogagga Al-shabaab ay fuliyeen, isagoo aan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradan oo ahaa kuwo mar qura wada dhacay.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Weerarradan ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen in ka badan 11-qof oo ay ku jiraan xoogaggii weerarka soo qaaday, ayna ku dhaawacmeen tiro kor u dhaafaysa 20-qof oo qaarkood la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, weerarradan ayaa waxaa mas\u2019uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, iyagoo ku goodiyay inay sii wadi doonaan weerarrada noocan oo kale ah, ayna beegsan doonaan goobaha ay mas\u2019uuliyiinta dolwaddu ku sugan yihiin.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(AN) \u2014 Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in Toddoba ka mid ah xoogaggii Weeraray xalay Hoteellada Weheliye iyo Siyaad ee Muqdisho la dilay, isla markaasina xalay lasoo af-jaray howlgaladii weerarradaas oo Al-shabaab ay sheegatay inay mas&#8217;uul ka tahay. Wasiirka Amniga Gudaha Somaila, C\/risaaq Cumar Maxamed oo booqday labadii hoteel ee la weeraray ayaa indho-indheyn ku sameeyay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":11019,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-11018","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2RI","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11018","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11018"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11018\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11018"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11018"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11018"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}