{"id":11009,"date":"2015-07-11T17:29:20","date_gmt":"2015-07-11T17:29:20","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=11009"},"modified":"2015-07-11T17:29:20","modified_gmt":"2015-07-11T17:29:20","slug":"somaliya-oo-ay-u-hirgashay-maroorsiga-hawada-somaliland-iyo-masuuliyiinta-duulista-oo-wali-talaabo-qaadin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/07\/11\/somaliya-oo-ay-u-hirgashay-maroorsiga-hawada-somaliland-iyo-masuuliyiinta-duulista-oo-wali-talaabo-qaadin\/","title":{"rendered":"Somaliya oo ay  u Hirgashay Maroorsiga Hawada Somaliland iyo Masuuliyiinta Duulista oo Wali Talaabo Qaadin."},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Madaxda xukumadda taagta daran ee Muqdisho u qaabilsan gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa ka midho dhaliyay hammigooda ahaa sidii xarunta laga maamulo Hawada Somalia iyo Somaliland looga dhigi lahaa Muqdisho, loogana wareejin lahaa hay\u2019adda qaramada midoobay u qaabilsan Duulimaadyada oo 20-kii sannadood ee u dambeeyay Nairobi ka maamulaysay hawada Somaliland iyo Somalia.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/tooshnews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/07\/Sl.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-medium wp-image-18179\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/tooshnews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/07\/Sl-300x145.jpg?resize=300%2C145\" alt=\"Sl\" width=\"300\" height=\"145\" \/><\/a><\/p>\n<p>Madaxda wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, ayaa u muuqda kuwo ka madhan dedaalada diblamaasiyadeed ee ay kula macaamilayaan hay\u2019adda gacanta ku haysa hawada ee ICAO oo hadda u muuqata mid Somalia u janjeedha.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Agaasimadaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Somaliland Cumar Sayid, ayaa sheegay in dhawaan Hay\u2019adda ICAO ku casuuntay kulan saddex geesood ah oo Nairobi ku dhexmaraya Weftiyo ka kala socday hay\u2019addaha duulimaadyada Somaliland, Somalia iyo hay\u2019adda ICAO kuna saabsan arrimaha maamulka hawada Somaliland iyo Somalia.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Kulanka dhacay dabayaaqadii todobaadkii dhammaaday isagoo ka warbixinaya Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista Somaliland waxa uu sheegay in Hay\u2019adda qaramada midoobay u qaabilsan duulimaadyadu hor dhigtay dhukumenti muujinaya hanaan Muqdisho loogu wareejinayo maamulka hawada oo ay ka soo wada shaqeeyeen xukumadda Somalia iyo ICAO, Somalilandna aanay waxba kala socon.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cWaxaanu ugu nimid qabyo qoraalka heshiis aanan ogayn meel lagu kala saxeexday,.qabyo qoraalkaas oo aan wax xidhiidh ahba la lahayn wada hadalladii soo socday.\u00a0 is fahamkayagii beesha caalamku goob jooga ka ahayd ba inta meel la iska dhigay ayaa la soo qoray heshiis ah in hawadii Muqdisho toos loogu wareejinayo, halkaana laga maamuli doono, Anagoo Somaliland ahna aanu hoos tagi doono,\u201d ayuu yidhi Agaasimaha oo BBC-da la hadlay Sabtida maanta.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Agaasimuhu wuxuu sii iftiimiyay meesha Somalia iyo ICOA ku kala saxeexdeen Heshiiska \u201cHeshiiska waxaa isla gartay Xukumadda Somalia iyo hay\u2019adda ICAO\u00a0 Montreal(Canada) meel la yidhaahdo ayay isla tageen, halkaas baanay ku kala saxeexdeen\u201d.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Haddaba Heshiiskan Madaxda duulista Somaliland hadda ku hambabartay wuxuu ahaa mid si cad loo ogaa oo aanay qarsoodi ku galin ICAO iyo Somalia balse markii ay kala saxeexdeen saxaafadda loo bandhigay, waxaana muuqata inaan intaas kadib madaxda Somaliland ka hawlgalin sidii heshiiska loo hor istaagi lahaa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Bishii December sanadkii 2014-ka ayaa Wasiirkii wakhtigaasi ee Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada Sare ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel iyo wefti uu hogaaminayaa waxay heshiis ah in Somalia lagu wareejiyo Maamulka hawada kula saxeexdeen Madaxda ICAO magaalada Montreal ee dalka Canada oo ay tahay xarunta hay\u2019adda ICAO.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiir Qoorsheel oo Wakhtigaasi Shirkaasi sharaxayay wuxuu VOA u sheegay sidan \u201cMasuuliyiintii ugu sarraysay ICAO oo ah Xoghayaha guud iyo Madaxweynahooda waan is-aragnay, laba maalmood buu shirkayagu socday, waxaa Illaahay mahaddiis ah in aan meel isla dhignay oo codsigayagii aannu gudbinnay in ummadda Soomaaliyeed ay Hawadoodi ka maqan tahay, meel ay ku maqan tahayna aannaan garanayn, Nairobi waxay u taallo ee looga maamulana annagu aannaan garanayn, markaa aannu u baahannahay in waxayagii naloo soo celiyo,\u00a0 aakhirkii go\u2019aan baa halkaa lagu gaadhay in ummadda Soomaaliyeed loo celiyo hawadeedii maamulkeeda intaan sannadkani dhammaannin.\u201d Ayuu yidhi Qoorsheel.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiirka wakhtigan Somalia u qaabilsan gaadiidka iyo duulista cirka Axmed Cali Jaamac(Jangali), ayaa sii ambaqaaday dedaalka Somalia ku maroorsanayso hawada Somaliland, waxaanu badhtamihii bisha June 2015 wuxuu xarunta ICAO ee Montreal kulan kula qaatay madaxda isku\u00a0 bedelaysa xilka hay\u2019addaasi oo ay ka mid yihiin madaxa hay\u2019adda Olumuyiwa Benard Aliu, Xoghayaha Cusub Dr. Fang Liu iyo Xoghayaha xilligiisu dhammaaday Raymond Benjamin.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Mr Jangali wuxuu madaxda ICOA ku booriyay in la dardar galiyo qorshaha maamulka hawada loogu wareejinayo Muqdisho, waxaanu ku dooday inaan la siyaasadayn hawada, maadaama Somaliland ku doodayso in hawadeeda aan xamar laga maamulin, waxaanu Madaxda ICAO u sheegay in Xukumadda Muqdisho tahay ta kaliya ee lagala xidhiidhayo maamulka hawada.<\/p>\n<p>Waxaana muuqata in qorshaha Somalia ka daadagay Qaramada midoobay islamarkaana ugu dambeystii Somaliland la hor dhigay qorshaha gabagabada maraya ee Somalia iyo ICAO wadajirka u wataan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxda Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa u muuqda kuwo 5 sannadood ee xukumadda Siilaanyo jirtay oo ay xilkaasi hayeen ku mashquulsanaa horumarinta Madaarka Cigaal ee lacagta dhan 10 Milyan oo Dollar Kuwait dib u dhis ugu bixisay, kaasi oo ah madaarka kaliya ee dalka ka shaqeeya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Haddaba Madaxda Somaliland u qaabilsan Duulimaadyada oo la socday dedaalka Somalia waddo ayaa haatan ku doodaya in laga baxay heshiiskii Somaliland iyo Somalia Turkiga ku gaadheen ee ahaa in hawada guddi isku dhaf ah oo Somaliland iyo Somalia ka kooban Hargeysa ku maamulaan.<\/p>\n<p>Agaasimaha Duulista Somaliland, ayaa ku doodaya in ICAO ka warwareegayso fulinta heshiiskii Turkiga balse, waxaa muuqata inaan Somalia iyo ICAO toona ixtiraamin heshiisyada lagu gaadhay wada hadaladii Burburay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xigasho:Ramaas<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Madaxda xukumadda taagta daran ee Muqdisho u qaabilsan gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa ka midho dhaliyay hammigooda ahaa sidii xarunta laga maamulo Hawada Somalia iyo Somaliland looga dhigi lahaa Muqdisho, loogana wareejin lahaa hay\u2019adda qaramada midoobay u qaabilsan Duulimaadyada oo 20-kii sannadood ee u dambeeyay Nairobi ka maamulaysay hawada Somaliland iyo Somalia. Madaxda wasaaradda Duulista [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":11010,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-11009","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2Rz","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11009","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11009"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11009\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11009"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11009"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11009"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}