{"id":10901,"date":"2015-07-06T13:34:47","date_gmt":"2015-07-06T13:34:47","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=10901"},"modified":"2015-07-06T13:34:47","modified_gmt":"2015-07-06T13:34:47","slug":"xukuumadda-sl-oo-beenisay-warqad-sir-ah-sl-iyo-somaliya-midowga-ku-saxeexeen-oo-wikileaks-faafisay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/07\/06\/xukuumadda-sl-oo-beenisay-warqad-sir-ah-sl-iyo-somaliya-midowga-ku-saxeexeen-oo-wikileaks-faafisay\/","title":{"rendered":"Xukuumadda SL Oo Beenisay Warqad Sir ah SL iyo Somaliya  Midowga Ku Saxeexeen Oo Wikileaks Faafisay"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay warar ay baahisay warbaahinta gudaha Somaliland isla markaan mucaaridka Somaliland maanta xukuumadda ku eedeeyeen inay warkaasi qiratay ,kaasi oo ku saabsanaa in Somaliland heshiis midow la gashay Dawlada Somaliya sida uu faafiyay warsidaha siraha qarsoon ee Wikileaks.<\/p>\n<p class=\"wp-caption-text\">Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inaanay wararkaasi waxba ka jirin.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan Beeninayaa Warka Warbaahinta qaarkood ku sheegeen in ay kasoo xigeen Mareegta caanka ku ah faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks kasoo sheegaya in Somaliland iyo Somalia heshiis midow wada galeen isla markaana aan eeda arinkaas dusha u saaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda, waxaan cadaynayaa in warkaas aanu sal iyo raad toona lahayn aananan ogayna\u201dayuu yidhi wasiir xirsi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<blockquote><p><strong>\u00a0\u201cQaranimada Somaliland waa mid ku dhisan rabitaan umadeed oo aan marnaba ka noqod iyo gorgortan toona lahayn!\u201d Wasiirka madaxtooyada Somaliland.<\/strong><\/p><\/blockquote>\n<p>Wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in wararkaasi aanay sal iyo raadtoona lahayd ,wasiiro oo bogga uu facebook-ga ku leeyahay ku baahiyay qoraal uu arintaasi kagag jawaabayo ayaa sheegay in uu yahay war aan loo meel dayin.<\/p>\n<p>\u201cUgu horayn dhamaan umada Muslimiinta ah waxaan leeyahay Ramadaan Kariim, Allaha inaga dhigo kuwa ku guulaysta Naxariista iyo dembi dhaafka Alle isla markaana naarta laga xoreeyo.<\/p>\n<p>Intaas kadib, waxaan qalinka u qaatay inaan kalmado kooban kaga falceliyo qoraal aan macno iyo miisaan badan lahayn oo lagu baahiyey warbaahinta qaarkood kaasoo sheegaya in Mareegta caanka ku faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks ay baahisay qoraal lagu sheegay in ay kasoo jabsatay keydka siraha ee Wasaaradaha arrimaha dibeda ee Sucuudiga nuxurkeeduna yahay heshiis sida ay ku sheegeen Somaliland iyo Somalia ku saxeexdeen inay dib u midoobaan!! Waxaase kasii daran in ay ku doodeen in aan Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Dr Mohamed Abdilahi Omer aan dusha u saaray\u201dayuu yidhi wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.<\/p>\n<p>Wasiirka Xiris waxa uu sheegay in warkani xaqiiqada ka fogyahay isla markaan aanay ahayn inay mucaaridku ka falceliyaane ay xaqiiqda raadiyaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<blockquote><p>\u201cWarkan oo ah been abuur aan loo meel dayin ayaan kaliya uuga falcelinayaa si aan bulshada uugu iftiimiyo xaqiiqda sidoo kalena dardaaran iyo tilmaam u siiyo cid walba oo war aanay hubin iska baahisa iyo siyaasi walba oo isaga oo aanan xog rasmi ah raadin go\u2019aankiisa ku saleeya wax uu maqlay oo kaliya!\u201dayuu yidhi wasiir xiris.<\/p><\/blockquote>\n<p>Wasiirka madaxtooyada Somaliland MD Xiris Cali Xaaji Xasan ayaa warbaahinta baahisay wararkan u soo jeediyay inaanay baahin wixii been abuur ah ee ay bulshada u soo gubiyaan warar xaqiiqo ah.<\/p>\n<p>\u201cHadaba, Sida la ogyahay marka aad masuul doonayso inaad hadalkiisa xigato waxaa lagama maarmaan ah in aad soo baahiso muuqaal \u201cVideo\u201d uu arintaa kaga hadlayo ama aad kasoo xigato qoraal rasmi ah oo uu baahiyey balse aanay ahayn oo kaliya waa la yidhi!Waxaan kula dardaarmaya warbaahinta qaarkood in aanay lumin macmiilkooda \u201cCustomers\u201d isla markaana marwalba awooda saaraan soo gudbinta wararka xaqiiqda ku salaysan\u201dayuu yidhi Wasiir xiris.<\/p>\n<p>Wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa ka jawaabay hadal maanta ka soo yeedhay mucaaridka Somaliland oo ka hadlay arinka jirintaanka warkan oo ay mucaaridku sheegeen inuu yahay xaqiiqo jirta.<\/p>\n<blockquote><p>\u201cWaxaan sidoo kale tilmaam siinayaa siyaasiyiinta marwalba ku go\u2019aan qaata war ay maqleen oo kaliya balse aanan xog ururin iyo xaqiiq raadis toona samayn ee markaaba warka ay maqlaan sii baahiya ama cid ku dhaliila waxaan leeyahay xasuusta Xadiiskii Nebigeena Muhamed SCW ee macnahiisu ahaa:<\/p>\n<p><strong>\u201cQof waxaa been uugu filan inuu sii gudbiyo wax walba oo uu maqlo\u201d<\/strong><\/p>\n<p>\u0642\u0627\u0644 \u0631\u0633\u0648\u0644 \u0627\u0644\u0644\u0647 \u0635\u0644\u0649 \u0627\u0644\u0644\u0647 \u0639\u0644\u064a\u0647 \u0648\u0633\u0644\u0645: \u201d \u0643\u0641\u0649 \u0628\u0627\u0644\u0645\u0631\u0621 \u0643\u0630\u0628\u0627 \u0623\u0646 \u064a\u062d\u062f\u0651\u062b \u0628\u0643\u0644 \u0645\u0627 \u0633\u0640\u0645\u0639 \u201d<\/p>\n<p>Ugu dambayn waxaan leeyahay Qaranka Somaliland Qosol ku Jab maaha, Qoraal aanan Qorina Qofkii iska Qortay ayuu Qawl xumo ku yahay ee aynu ka korno hadal haynta hebel iyo hawraarta madhan.\u201dayuu hadalkiisa ku soo gababgabeeyay wasiirka madaxtooyada Somaliland.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p><\/blockquote>\n<p>Xisbiga Mucaaridka ah iyo madashawada tashiga oo si wada jir ah uga hadlay wararka ay baahisay warbaahinta gudaha Somliland qaar ka mid ah ayay sheegeen inuu yahay war jira xukuumaduna qiratay wallow xukuumadda Somaliland eedayntaasi iska leexisay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay warar ay baahisay warbaahinta gudaha Somaliland isla markaan mucaaridka Somaliland maanta xukuumadda ku eedeeyeen inay warkaasi qiratay ,kaasi oo ku saabsanaa in Somaliland heshiis midow la gashay Dawlada Somaliya sida uu faafiyay warsidaha siraha qarsoon ee Wikileaks. Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inaanay wararkaasi waxba ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10733,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-10901","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2PP","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10901","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10901"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10901\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10901"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10901"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10901"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}