{"id":10885,"date":"2015-07-05T14:30:38","date_gmt":"2015-07-05T14:30:38","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=10885"},"modified":"2015-07-05T14:30:38","modified_gmt":"2015-07-05T14:30:38","slug":"mudane-ka-mid-ah-golaha-wakiillada-si-kulul-u-naqdiyey-hadal-ka-soo-baxay-xubno-ka-tirsan-madasha-wada-tashiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/07\/05\/mudane-ka-mid-ah-golaha-wakiillada-si-kulul-u-naqdiyey-hadal-ka-soo-baxay-xubno-ka-tirsan-madasha-wada-tashiga\/","title":{"rendered":"Mudane ka mid ah Golaha Wakiillada si kulul u naqdiyey hadal ka soo baxay xubno ka tirsan Madasha Wada-tashiga"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in xubno ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga yihiin qaar cadaw ku ah qarannimada iyo isku duubnida dalka Somaliland.<\/p>\n<div class=\"google_ads2\"><\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Md. Siciid Axmed Qulumbe iyo Siciid Good oo ka tirsan Madasha Wada-tashiga, ayaa saxaafadda u sheegay toddobaadkan inay dawladda Ingiriiska ka dacweeyeen xubno ka mid ah masuuliyiinta iyo madaxda Somaliland oo ay xuseen inay haystaan dhalashada dalka Ingiriiska iyo waddamo ka mid ah qaaradda Yurub, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay qas ka wadaan Somaliland, waxaannu masuuliyiinta ay sheegeen inay dacweeyeen ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Safiirka cusub ee loo magacaabay dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Cumar iyo marwada madaxweynaha marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde.<\/p>\n<p>Hasayeeshee, Md. Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray xalay oo nuqul ka mid ah soo gaadhay<strong><em>Jamhuuriya<\/em><\/strong>, waxa uu si kulul ugu naqdiyey hadalka ka soo baxay labada xubnood ee ka tirsan Madasha Wada-tashiga oo uu tilmaamay inay yihiin qaar cadaw ku ah qarannimada Somaliland, isla markaana dayaacado raqiis ah ka fidiya madaxda dalka.<\/p>\n<p>\u201cWaa bil Ramadaan\u2026Waa maalmihii cibaadada lagu gaar ahaan jirey, waxaase I soo kiciyey oo igu kellifey inaan saxaafadda kala hadlo dadweyneheena sharafta leh ee sooman waxay tahay calool-xumo dhawr habeen igu bariday oo aan ka qaaday hadalo deelqaaf ah oo si sharci-darro ah, dhaqanxumo ah, dadnimo xumo ah, iimaan xumona ah loogula dul dhacay Qaranka iyo madaxda Jamhuuriyaddeena Somaliland,\u201d ayuu xildhibaanku ku bilaabay warsaxaafadeedkiisa, isagoo intaas raaciyey; \u201cWaxaan ku arkay saxaafadda war ku saabsan laba qof oo <em>\u2018qurbe-ku-raag\u2019<\/em> ah oo sheegatay inay dalal shisheeye u dacwoodeen iyagoo, siday sheegteena, ashkateeyey [dacweeyey] dawladda iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo, xitaa, dad rayid ahba. Waxay tiriyeen dad isku beel ah oo Madaxda Somaliland ka mid ah!\u2026Waxay isku soo sawireen iyagoo gabdho caddaan ah [oo aan madaxdii la yaqaaney ahayn] isku soo boodaya, oo garab-garabka ugu xoqaya, oo kaga qoslinaya\u2026.Ogow waa maalin ramadaan, ficilada qaarkoodna ma bannaana\u2026Ma bannaana in been la dhoobdhoobo oo laga dhigto borobogaande\u2026.La yaabi maayo oo beryahan dhaqan bay noqotay in war laga dhigto cayda iyo beenta\u2026In ninba ninka uu ka hadal xunyahay TV-yada la soo fadhiisiyo oo \u2018waqiga lagu buuxsado\u2019\u2026Waxayse inamadani moogyihiin dadka ay la hadlayaan iyo kuwa ay ka hadlayaanba inay ku jiraan aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin oo aan shugux-shugux lagu didin karin, loona afmiishaarayn karin. Sidoo kale, waxaanay ogeyn in shacabku ka daalay, kana ilbaxay, \u2018turufatoorenimada\u2019 ay dibed-joogga qaarkii hore ugu macaasheen ee aan dhaafsiisnayn caddaan-isla-sawirka, fayl-madhan-la-humbaaleynta, ma-i-daawateenta hablaha iyo i-arkaay i-maqlaayda muuqaalka guud ah. Anigu ma tegin qurbaha laga sheekeeyo [umana baahni], balse war aan dheegtey waxaan ku hayaa ragga buurbuuran ee hadalka badan ee TVyada soo fadhiya, inta badanna Ingiriiska ka soo hadlaa, inay u badanyihiin digdiglayaal aan shaqaba tegin, qoysaskoodii gabay, iskana xafladeeya. Ma garanayo halka ay kooxdani kaga jiraan nolosha iyo dhaqdhaqaaqa dadkeena ee qurbaha, iyo bal inay kuwaas aan soo sheegay oo kale yihiin, balse waxaa marag madoon ah inay ahaayeen rag aan war badan hayn, danna ka lahayn qaranka iyo bisha barakaysan midnaba. Marka koowaad, qarankan dhibaatadiisa dad ka damqanaya maaha, dad ehel iyo casabad xeerinayana maaha waayo cunaqabataynta beenta ah ee ay sheegteen haddii ay dhici lahayd ma cid bay gaar ula xawaarayn lahayd, miyaanay dadka wada gaadheen,\u201d ayuu yidhi Md. Siciid Maxamed Cilmi.<\/p>\n<p>Waxaannu intaas ku daray; \u201cNimankaas ku baanaya inay Ingiriiska ka baryayaan in la cunaqabateeyo Somaliland miyaanay hooyadood, aabohood, walaaladood iyo wasiirtoodba wada saamayseen. Haddii ay \u2018gaag-ma-reeba\u2019da ay Alle inooga baryeen dhici lahayd xaggee ayay eheladooda kaga badbaadin lahaayeen ibtilada ka dhalata. Miyaanuu kun jeer ka caqli badnayn ninkii geeljiraha ahaa ee hees hawleedka kula hadlay wiilkii geela la joogey ee, sidan oo kale, beeshiisii u saadiyey in abaari dhacdo oo dhulkaba baad iyo biyo laga waayo. Waakii wiilka ku lahaa isagoo tilmaamaya ceelasha \u2018Herer\u2019 iyo \u2018Halleeya\u2019 oo Hargeysa ku yaalley:<\/p>\n<p><em>Haduu \u2018Herer\u2019 dumo,<\/em><\/p>\n<p><em>\u2018Halleeyana\u2019 gudho,<\/em><\/p>\n<p><em>uu hadhyare-qudhac<\/em><\/p>\n<p><em>hoosta ka engago,<\/em><\/p>\n<p><em>ooy hareerida<\/em><\/p>\n<p><em>hablo diirtaan,<\/em><\/p>\n<p><em>oo higlada bari<\/em><\/p>\n<p><em>libaaxu hadhgalo,<\/em><\/p>\n<p><em>adaa hoogaye,<\/em><\/p>\n<p><em>xageed hadh u dayan.\u201d<\/em><\/p>\n<p>Waxa kaloo Md. Siciid Maxamed Cilmi tilmaamay in masuuliyiinta xubnaasi aflagaadeeyey ka soo wada jeedaan hal degaan oo qudha, waxaannu yidhi<em>; \u201c<\/em>Marka labaad, liiska madaxda ay aflagaadeynayeen markii aan eegay waxaa iiga dhadhamay dhosog halis ku ah wada noolaanshaha shacabkeena. Waxay bartilmaameedsadeen madax reer Somaliland ah oo hal degaan ka soo wada jeedda!!! Waxaa muuqata in la doonayo in la sameeyo dacaayad lagu kala dilo bulshadeena ka soo doogtey colaado sokeeye oo beelaysan. Waa aragti gaaban oo ku gaar ah raggan qurbajoogga ah. Waa mid ay ka koreen kana soo waayo-arkeen shacabkeenu. Waxaan leeyahay<em>\u2018habaarkiinu hareeraha\u2019<\/em>. Ilaahay kama dhigi doono dhagarta aad la jeceleysateen dalka, dadka iyo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>Ummadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa in aan dheg loo jalaqsiin sheeko-xumada iyo borobogaandaha beenta ah ee qurbojoogga qaarkii, waxaana ilaahay inooga baryayaa in Soonkeenu noqdo kii la inaga aqbalo, la inooguna dembi dhaafo.\u201d<\/p>\n<div class=\"really_simple_share really_simple_share_button robots-nocontent snap_nopreview\">\n<div class=\"really_simple_share_facebook_like\"><\/div>\n<div class=\"really_simple_share_twitter\"><\/div>\n<div class=\"really_simple_share_google1\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in xubno ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga yihiin qaar cadaw ku ah qarannimada iyo isku duubnida dalka Somaliland. &nbsp; Md. Siciid Axmed Qulumbe iyo Siciid Good oo ka tirsan Madasha Wada-tashiga, ayaa saxaafadda u sheegay toddobaadkan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10886,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-10885","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2Pz","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10885","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10885"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10885\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10885"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10885"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10885"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}