{"id":10854,"date":"2015-07-04T12:51:07","date_gmt":"2015-07-04T12:51:07","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=10854"},"modified":"2015-07-04T12:51:07","modified_gmt":"2015-07-04T12:51:07","slug":"shacabka-dalka-giriiga-oo-isku-diyaarinaaya-aftida-bari-iyo-walaac-ay-ka-qabaan-natiijada-ka-soo-bixi-doonta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/07\/04\/shacabka-dalka-giriiga-oo-isku-diyaarinaaya-aftida-bari-iyo-walaac-ay-ka-qabaan-natiijada-ka-soo-bixi-doonta\/","title":{"rendered":"Shacabka Dalka Giriiga oo isku Diyaarinaaya Aftida bari iyo Walaac ay ka Qabaan Natiijada ka Soo Bixi Doonta"},"content":{"rendered":"<p><em><strong>Ethnes(AN)Dad aad u tiro badan ayaa xalay isugu soo baxay fagaaraha Syntagma ee bartamaha Athens, iyaga oo halkaa kusoo gebagabeeyay todobaad aan caadi ahayn.<\/strong><\/em><\/p>\n<p><em><strong>Dadkaasi ayaa u sacba tumayay ra\u2019iisul wasaare Alexis Tsipras, oo khudbad ujeediyay, una sheegay in aftida Axada berri ah, lagu go\u2019aaminayo sumcada shacabka Giriiga.<\/strong><\/em><\/p>\n<p><em><strong>Ra\u2019iisul wasaaraha ayaa dadka fagaaraha isugu soo baxay u sheegay, in haddii ay MAYA u codeeyaan, ay taasi u sahli doonto in uu gorgortan wanaagsan la galo dalalka kale ee ka tirsan dallada Eurozone-ka.<\/strong><\/em><\/p>\n<p><em><strong>Balse meel aan ka fogeyn goobta uu Tsipras ka khudbaynayay, ayaa waxaa isugu soo baxay dad u ololeynaya in loo codeeyo HAA. Waxaana ay ku qeylinayeen Giriig, Yurub, Dimuqraadiyad.<\/strong><\/em><\/p>\n<p><em><strong>Garabkan ayaa ku doodaya in mustaqbalka Giriiga ee dallada Eurozone-ka uu gebi ka laalaado, uuna dalkaasi waayi doono xubinnimada Midowga Yurub haddii aftida Axada ay shacabkiisa Maya u codeeyaan.<\/strong><\/em><\/p>\n<p><em><strong>Balse xaqiiqada ayaa ah in cid kasta oo ku guuleysata aftida Axada dhici doonta, ay sugayaan wadahadalo madax xanuun badan wata.<\/strong><\/em><\/p>\n<p><em><strong>Dhaqaalaha Giriiga ayaa meel xun maraya, mana cadda in todobaadka soo socda ay dib u furmi doonaan bangiyada dalkaasi.<\/strong><\/em><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ethnes(AN)Dad aad u tiro badan ayaa xalay isugu soo baxay fagaaraha Syntagma ee bartamaha Athens, iyaga oo halkaa kusoo gebagabeeyay todobaad aan caadi ahayn. Dadkaasi ayaa u sacba tumayay ra\u2019iisul wasaare Alexis Tsipras, oo khudbad ujeediyay, una sheegay in aftida Axada berri ah, lagu go\u2019aaminayo sumcada shacabka Giriiga. Ra\u2019iisul wasaaraha ayaa dadka fagaaraha isugu soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10856,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-10854","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2P4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10854","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10854"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10854\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10854"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10854"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10854"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}