{"id":1084,"date":"2014-12-08T10:44:30","date_gmt":"2014-12-08T10:44:30","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1084"},"modified":"2014-12-08T10:44:30","modified_gmt":"2014-12-08T10:44:30","slug":"safiirka-dawladda-maraykanka-u-qaabilsan-soomaaliya-iyo-ku-xigeenka-madaxda-hayadda-usaid-oo-somaliland-ku-jooga-booqasho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/08\/safiirka-dawladda-maraykanka-u-qaabilsan-soomaaliya-iyo-ku-xigeenka-madaxda-hayadda-usaid-oo-somaliland-ku-jooga-booqasho\/","title":{"rendered":"Safiirka Dawladda Maraykanka U Qaabilsan Soomaaliya Iyo Ku Xigeenka Madaxda Hay\u2019adda USAID Oo Somaliland Ku Jooga Booqasho"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/download-31-150x150.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-1085\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/download-31-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"download-31-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>Hargeysa\u00a0<b>(AN<\/b>) \u00a0Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland, ayaa shalay qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Maraykanka isla-markaana ay hoggaaminayso ku xigeenka hay\u2019adda horumarka Maraykanka ee loo yaqaan USAID, Miss Etim Linda.<\/h2>\n<h2>Weftigan oo uu sidoo kale ka mid yahay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, ayaa ujeeddada socdaalkooda iyo kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha waxa faahfaahiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia iyo sidoo kale Haweenayda Hoggaaminaysay weftigan.<\/h2>\n<h2>Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay \u201cWeftigan ka socda Maraykanku waa kii ugu horeeyay ee heerkan ah ee inoo yimaadda, waxaanu ka wada hadallay sidii labada waddan (Somaliland Iyo Maraykanku) u yeelan lahaayeen ilaaqaad cusub oo waxtar leh. Waanad la socotaan oo hay\u2019adda USAID waxay Somaliland siisaa Mashaariic badan, hasa-yeeshee waxaanu kala hadleynay sidii wax la noogu kordhin lahaa (Taageerada), sidii ilaaqaadka labada waddan loo xoojin lahaa\u201d<\/h2>\n<h2>Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliya, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu mar kale ku soo laabto Magaalada Hargeysa, isaga oo ay weheliyaan Masuuliyiinta hay\u2019adda USAID. Waxaanu sheegay in Madaxwaynaha Somaliland iyo Golihiisa wasiirrada ay ka wada hadleen mashaariicda Maraykanku ka fuliyo Somaliland.<\/h2>\n<h2>Ku xigeenka Madaxa hay\u2019adda USAID, Miss Etim Linda oo iyaduna halkaasi ka hadal kooban ka sheegtay ayaa tilmaantay in hay\u2019adda mucaawimooyinka u qaabilsan Maraykanku ay muddo ka shaqeynaysay Somaliland isla-markaana ay Madaxda Somaliland kala hadleen inay ka go\u2019an tahay inay ka sii shaqeyso Somaliland \u201cWaa Markii koowaad ee aan Hargeysa imaaddo, sidii la noogu soo dhaweeyay aad ayay cajiib u ahayd. Hay\u2019adda USAID muddo ayay ku sugnayd Somaliland, maantana (Shalay) waxaanu ka wada xaajoonay sida USAID ay uga go\u2019an tahay inay sii waddo xidhiidhka dhaqaale kobcineed, baaqina ku sii ahaato halkan\u201dayay tidhi<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa\u00a0(AN) \u00a0Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland, ayaa shalay qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Maraykanka isla-markaana ay hoggaaminayso ku xigeenka hay\u2019adda horumarka Maraykanka ee loo yaqaan USAID, Miss Etim Linda. Weftigan oo uu sidoo kale ka mid yahay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, ayaa ujeeddada socdaalkooda iyo kulanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1085,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1084","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hu","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1084","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1084"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1084\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1084"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1084"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1084"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}