{"id":10785,"date":"2015-07-01T23:25:42","date_gmt":"2015-07-01T23:25:42","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=10785"},"modified":"2015-07-01T23:25:42","modified_gmt":"2015-07-01T23:25:42","slug":"shirqoolkii-lagu-daldalay-maxamuud-xusseen-mataan-bishii-setember-saddexdeedii-1952-xabsi-ku-yaalay-boqortooyada-biritan-gaar-ahaan-gobalka-wales-caasimadeeda-magaalad-kaardifcardif-qaybtii-1aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/07\/01\/shirqoolkii-lagu-daldalay-maxamuud-xusseen-mataan-bishii-setember-saddexdeedii-1952-xabsi-ku-yaalay-boqortooyada-biritan-gaar-ahaan-gobalka-wales-caasimadeeda-magaalad-kaardifcardif-qaybtii-1aad\/","title":{"rendered":"Shirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Bishii Setember Saddexdeedii 1952 Xabsi Ku Yaalay Boqortooyada Biritan Gaar ahaan Gobalka Wales Caasimadeeda Magaalad Kaardif(Cardif) Qaybtii 1aad"},"content":{"rendered":"<div>Shirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Bishii Setember Saddexdeedii 1952 Xabsi Ku Yaalay Boqortooyada Biritan Gaar ahaan Gobalka Wales Caasimadeeda Magaalad Kaardif(Cardif) Qaybtii 1aad<\/div>\n<div>&#8220;Ma \u00a0filayn In aay daldalayaan waxa aay \u00a0ahaayd Subax uu roob da.aayey ,cadho aayaan ku jirey \u00a0muddo 45 sano ah cadhona \u00a0waan ku dhimanayaa&#8221; erayadaas waxaa ku muusanoowday Laura Mattan oo ahaayd xaaskii uu ka tagey Maxamuud Xusseen Mataam&#8221;!!!<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Maxamuud Xusseen Mataan waxa uu ku dhashay galbeedka magaalada Hargeysa sannadku markuu ahaa 1923 kii. Xilligaas waxa uu dalka somaliand uu gacanta uugu jirey oo uu maxbiyad u ahaa Boqortooyadii Ingiriiska(British Somaliland Protectorate). Xilliyadaas uu Maxamuud dhashay \u00a0magaalooyinku waay iska -yaraayeen oo waxa uu ku soo barbaaray noloshii reer guuraanimada iyo xoolo dhaqatada ahaayd ee aay badiba nololsha dadka soomalida saldhiga u ahaayd.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Noloshaa reer guuraanimadu iyo ta xooluhuba maay ahaayn mid fudud oo reeruhu kolba waxa aay u guuri jireen \u00a0meshii aay xoolahooga baad iyo biyo aay uuga heli lahaayeen,mararka qaarkoodna waxaa dadkaas reer guuraaga ahaa noloshooda carqalad iyo khataro badan gelin jirey colaado reeraha dhexyaalay oo laaysku qaado dagaalo lagu riiqmo oo dad iyo duunyaba lagu idlaado. Taas waxaa kale oo u sii dheeraa \u00a0Abaaro daba-dheer oo iyagana dad iyo duunyo badan lagu waayi jirey, biyo la,aantu waxa aay ahaayd mid iska caadiyo oo dadkaas reer guuraaga ahi waxa aay u dhaantagi jireen masaafadu dhawr caano maal la si dhaxayo xilliga jilaalka.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Xilliga gu,ga ah ee uu roobku dhulka maansheeyo ee laga soo kabto aroorkii ceelalyoow ee biyaha loogu dhaantagi jirey oo aay xilliyadaasi biyuhu aay ka buuxaan dhijaamaha godon ee ku yaala reeraha duleedkiisa ayaa hadana aanay dadkaa xoolo dhaqatadi marnaba haayn kuwo haakah yidhaah \u00a0ku \u00a0badhaadha barwaaqadaa iyo roobkaa uu ilaahaay u shubay \u00a0waayo mararka qaarkood waxa reerka oo iska nagi ku haabsan jirey duulimaad aay ku soo qaadeen kooxo daba socday aane hore oo uu reerkani ka qabay ama xoolo \u00a0mar hore laga dhacay.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Duulimaad-kaasna waxaa dadbka la saari jirey reerkaas wixii xoolo aay haaystaana waa la dareersan jirey. Wxaa kale oo dhulkaa soomalida xlliyadaa aad uugu badnaa ugaadha oo aad u tiro badnayd, waxaa kale oo dadkaa reer guuraaga ah colaadahaas iyo abaarahaa dadbada dheer u soo raaci jirey \u00a0xayawaanka dad qaadka ah oo gayiga dhamaantii aad uugu badnaa \u00a0meel kastana sida hormooyinka xoolaha u sunsumaya ,kuwaas oo halis ba,an ku hayey dad iyo duunyaba,habeenkuna markii damo ee laga soo doogsan lahaa hawl maal-meedkii hore ee maalinimo ee \u00a0dhaan lagu jirey ama xoolo la foofinayey ama reer la hoodayey ayaa habeenku markuu damo hadana uu reerku gali jirey heegan ilaalo oo layskaga hiraayo bahaladaas dad qaadka ah oo dad iyo duunyaba hure xun ku hayey oo aad habeenada qaar ku toosay qaaylo reerahaas reer guuraaga ah ka baxaysa docohooga iyo baaq gurmad raadisa oo aay ka mid ahaayeen hayeey bahal \u00a0baa inoo soo dhacay!! hayaay bahal baa xoolihii u soo dhacay iyo baaqyo kale oo la mida waxaana dhagahaaga ku soo dhacaayey baaqyada difaaca ee meel dheer lagaga \u00a0hadaaqaayo sida Yaahuu Yaahuu, Yur Yur iyo weedho dhawaaq oo kaloo badan. Manaay ahaayen nololaha reer guuranimo \u00a0ee xoolo dhaqatada wakhtigaasi mid \u00a0si sahlan looga sheekaayn karo weloo aay dadkaasi reer guuraagu ahaayeen kuwa hadana ku faraxsan noloshooda oo aad u qab-wey, kasow-kow bahaladaas dad qadka ah iyo colaada aha waxa uu dhulku ahaa dhul barwaaqo ah oo kaaymihu is ceshadeen. xayawaankuna meel kasta sunsumayo weloo uu \u00a0duunyo iyo dadba ay huro ban ku hayeey xayawaankaas.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Waxa ka mid ahaa xayawaanka halista ahaa ee wakhtigaas dad iyo duunyaba \u00a0gayiga soomalida gilgelay Libaaxa,Shabeelka,Maroodiga ,Butida oo u ee kaayd dad iyo qaar-kaloo badan. Bal si aaynu sawir buuxa uuga helno waagaas iyo wakhtigaas waxa aan jecel ahay inta aanan qisadii sida cadaalad darada ah loogu daldalay Maxamuud xusseen mataan oo ah qormooyin badan aanan sii gelin, in aan sawir guud ka bixiyo xilliyadaas tagay iyo waayahoodii badnaa, anigoo soo qaadan doono dhawr qiso oo gaagaaban \u00a0oo laga soo waeriyey goob-joogayaal wakhtigaas u soo taagnaa arimahan soo socda ee qisooyinka gaagaaban ah<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Aw Yuusuf \u00a0waxaa laga soo wariyey wakhiyadaas aaynu kor \u00a0kaga soo hadlaayney ee ahaa nololshii xoolo dhaqato iyo reer guuraanimo ee baad ka iyo biyaha ku dagaalimi-jirtey in maalin maalmaha ka mida uu Aw Yuusuf u ka soo kicitimay halkii uu reerkoodu ahaa, waa goor casar gaabana cadceeduna aay soo jeedo oo aan weli la gaadhin xilligii aay cadceedu dhacayso. Aw Yuusuf waxa lagu tlmaamaa in uu ahaa nin aad u dheer, quwadna uu ilaahaay ku manaaystey. Dadku inta badan marka aay Aw Yuusuf ka sheekaynayeen \u00a0ta qudhe ee aanay marnaba muran gelin ayaa ahaayd in \u00a0Aw Yuusuf \u00a0uu ahaa nin aan baqan oo geesiya oo uu ilaahaay uugu deeqay raganimo siyaada ah marka dhinac kasta laga qiimaaynayo qof bili-adana oo \u00a0ka mida ragii reer guuraga ahaa ee somaliyeed ee xilligaas noolaa.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>\u00a0Galabtaa \u00a0Aw Yuusuf uu ku jiro socodkiisii caraabeyey ee uu uugu sii jeeday reerkoodii ayaa marka uu maraayo Dooxa Arabsiyo isku- darka kala qaaybiya deegaanada Geed-Abeera iyo Salaawaha ayaa uu ku soo \u00a0baxay Aw Yuusuf \u00a0Shabeel iyo nin aay isdilaaya, ninku waxa uu watay qorigii halkaliyaalaha ahaa ee berigaas \u00a0ahaa mid reeraha dhan laga helaayo qof qudha oo haaysta qofkaasina uu qorigaas uu geel badan siistay amase inan uu dhalay oo laga soo doonay \u00a0Yarad \u00a0looga bixiyey&#8221;.Dadka intoodad kale hubkoodu \u00a0waxaa uu ahaa, falaadho, leeb iyo qaanso, warmo,gaashaan,toore,seefo iyo wixii la mida.waayo qoriga maa dhiinka ah ee hal kaliyaalaha ahaa waxa uu ahaa mid aanay cidna iibsan karin oo aan lagu hamoon ijirin lahaansihiisha.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Aw Yuusuf markii uu ku soo baxay ninkii iyo shabeekiil isdilaayey oo ninkii qorigii inta uu ka dhacay uu shabeelku dusha ka saaran yahay ayaa uu Aw Yuusuf na meel aan ka dheerayn ninka iyo shabeelka dagaalku ka dhex socdo uu Aw Yuusuf inta uu gu,iisii \u00a0qoorta iskaga duubay ,gaashaan iyo warankiisiina mid ba uu gacan ku qabsaday difaaciisii soo xidhay isagoo markaas Aw Yuusuf damacsan in uu gacanta ku dhigo qoriga maadhiinka ah \u00a0ee dhulka yaalay, balse dagaalkii ka dhexeeyay ninka iyo shabeelku wuu soo gabagaboobay oo waxaa gacanta sare yeesha shabeelkii oo ninkii inta uu qoorta kala jabiyey cunahana uu kala gooyey aay nafti sii dhibaayso.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Marka aay intaasi dhacday ayaa uu shabeelkii xaga jihada galbeedka xigta u orday, hadaba suaashe waxa aay tahay Aw Yuusuf isna markuu arkay in uu shabeelkii ninka dilay iska tagey miyuu isna iska sii watey safarkii sii galab-caroow ee uu reerka uugu sii socdey?. jawaabta ayaa ah maya Aw Yuusuf iskama sii wadan safarkiisii galab-caroow ee wuu yar hakeyey hase ahaatee iyana waxaa suaal kale noqonaaysa tolow maxaa yar hakiyey socodkii Aw Yuusuf!!! Waxaa hakiyey safarkii galab-caroow ee Aw yuusuf waxa uu ahaa qoriga maandhiinka ah oo uu damac ka galay Aw Yuusuf. Markuu uu shabeelku \u00a0ninka dilay \u00a0uu xagaa kaynta u kac is-yidhi ayaa isagoo aan shabeelkii ka fogaan goobta uu Aw yuusuf isna u dhaqaaqay halkii uu qorigu kaga dhacay ninkii aay shabeelka isdilayeen oo uu tuuray naf-xarbigii markii aay shabeelka isla lagdamayeen nasiib daradiisa se \u00a0laga guulaaystey ninkii halkaana qudha lagaga gooyey.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Markii aay intaasi dhacday ee uu Aw yuusuf na u dhaqaaqay xagii uu qorigu ninkii kaga dhacay \u00a0shabeelkuna soo daaymoonayo goobtaasna aay yaalaan qorigii iyo ninkii oo aay naftu ka sii jiriq-jiriq leedahay ayaa Aw Yuusuf inta uu gu.ii uu huwanaa \u00a0uu qoorta iskaga duubay waayo shabeelku qoorta ayuu dadka jebiyaa, gaashaanki iyo warankii uu sitayna dhulka uu dhigtey,toorina ku hubsadey gacanta midig ayaa inta uu jilbo joog sadey \u00a0 gacantiisii bidix ku laacay qorigii balse isaga oo weli gaxantii bidix ku sii laacay qorigii oo aan weli gacan buuxda ku dhigin qorigii ayuu Aw Yuusuf aay indhihiisu qabteen shabeelkii oo ku soo maqan kuna soo ordaya xaawli ka badan ka diyaaradaha balse Aw Yuusuf waxaa soo dhan uu muu jixin-jixin maskaxdiisuna waxa aay u sii diyaar garoowday dagaal farsamaaysan oo aay ku qaabisho Shabeel.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Markii aay intaasi dhacday oo uu shabeelkiina xaawliga dabaasha ku soo ordayo oo aad moodo gantaal hawada laga soo ganay waayo duulimaad xaga hawada ah ee uu shabeelkaasi boodada dheer \u00a0uu ku soo boodaayo ayaa ku soo ordayey oo kolba sida gantaalka ayuu u soo boodaayey waxaanu sabaaynaayey boodadaas awgeed samada sare. Si kastaba arinku ha ahaadee Aw Yuusuf waa diyaar \u00a0balaaynu eegno midka aay guushu raacdo Aw Yuusuf iyo Shabeelka.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Aw Yuusuf waxa uu gacantii sa bidix ku sii laacaba waxaa wakhtiyar gudiihiis ku soo galey Shabeelkii oo ku boodaya xawaaraha dabaashu aay ku cirbixiso, waxaanu Shabeelkii xawaaraanayey uu dusha kaga dhacay \u00a0Aw Yuusuf. Aw Yuusuf oo ahaa nin dherer iyo quwad awood-dheeraada uu Ilaahay ku manaaysey waxa aay markiiba is gudo galeen Shabeelkii oo laaysku qaaday dagaal culus oo maryo dhiig leh la kala furtey. Xaalku si kastaba ha u dhecee waxa u suurta galey Aw Yuusuf in uu daqiiqado gudahood uu kaga takhaluso Shabeelkii dad cunka ahaa oo uu inta uu qoorta kala jebiyey Aw Yusuuf Shabeelkii dad cunka ahaa uu hadana shabeelkii oo naftu \u00a0sii dhibaayso uu Aw Yuusuf inta uu tooridii-sii galka kala baxay uu shabeelkii oo nool balse il-daran uu haragii kala baxay, waxaanu Aw Yuusuf reerkii ku soo laabtey isagoo dusha ku sita haragii shabeelka ,qorigii madhiinka ahaa iyo ninkii uu dilay Shabeelku maaydkiisii.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Haddaba anigoo ku soo noqonaaya Qisadii Maxamuud Xussen Mataan ayaa waxa aan intaa soo dhan \u00a0u soo araaranaayey in aan sawir guud ka bixiyo \u00a0 si aan u iftiimiyo noloshii reer guuraanimo \u00a0ama tii xoolo dhaqato \u00a0iyo bay-adii uu ku soo barbaaray Maxamuud Xusseen Mataan. Maxamed Xusseen Mataan isagoo aay da,diisu tahay 17 jir marka aay taariikdu ahaayd 1940 kii ayuu soo galay Magaalada Hargeysa oo aad u yarayd, xilligaasna gacanta aay uugu jirtey mustacmaradii Ingiriiska. Maxamed Xuseen Mataan markuu Hargeysa joogay muddo laba sano ah ee uu ka qaatey sharcigii mustacmarada Ingiriiska ee loo yaqaanay Somaliland British Protectorate Passport iyo buugii ogolaanshaha shaqaalaha maraakiibta ee bada ama loo yaqaano (Seaman) ayuu Maxamuud Xusseen Mataan \u00a0uu laba sanadood debadeed u kacay xaga Magaalada Berbera si uu Berbera uuga sii raaco markab geeya Cadan oo uu magaalada Cadan ka raadsado maraakiibtii Ingiriiska ahaayd ee qoran jirtey shaqaalaha Badmaaxiinta ah ee ka shaqaayn jirey Badda ama looyaqaanay (Seaman).<\/div>\n<div><\/div>\n<div>La soco Qormooyinka Dambe HABAYNTII iyo ISKU DUBARIDKII WARIYE MUUSE XUSEEN XASAN,<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Khadar Jaambiir Cige<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Bishii Setember Saddexdeedii 1952 Xabsi Ku Yaalay Boqortooyada Biritan Gaar ahaan Gobalka Wales Caasimadeeda Magaalad Kaardif(Cardif) Qaybtii 1aad &#8220;Ma \u00a0filayn In aay daldalayaan waxa aay \u00a0ahaayd Subax uu roob da.aayey ,cadho aayaan ku jirey \u00a0muddo 45 sano ah cadhona \u00a0waan ku dhimanayaa&#8221; erayadaas waxaa ku muusanoowday Laura Mattan oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10786,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[3,10],"tags":[],"class_list":["post-10785","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-arimaha-bulshada","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2NX","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10785","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10785"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10785\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10785"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10785"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10785"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}