{"id":10578,"date":"2015-06-24T14:42:50","date_gmt":"2015-06-24T14:42:50","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=10578"},"modified":"2015-06-24T14:42:50","modified_gmt":"2015-06-24T14:42:50","slug":"wasiirkii-hore-ee-shaqada-oo-geeriyooday-iyo-madaxda-somaliland-oo-tacsi-u-dirtay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/06\/24\/wasiirkii-hore-ee-shaqada-oo-geeriyooday-iyo-madaxda-somaliland-oo-tacsi-u-dirtay\/","title":{"rendered":"Wasiirkii Hore Ee Shaqada Oo Geeriyooday iyo Madaxda Somaliland Oo Tacsi U Dirtay."},"content":{"rendered":"<p>Boorama(AN)-Wasiirkii hore ee shaqada iyo Arimaha bulshada Somaliland Md Maxamuud Axmed Bare garaad ayaa ku geeriyooday magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/tooshnews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/06\/bare.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-17645\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/tooshnews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/06\/bare-237x300.jpg?resize=237%2C300\" alt=\"Marxuum Maxamuud Bare Garaad.\" width=\"237\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<p>Alle ha u naxariistee waxa tacsi u diray madaxwyanaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Ciro oo ka tacsiyadeeyay shacabka Somaliladn.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa\u00a0 waayeelka, waxgaradka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maxamud Axmed Barre Garaad\u00a0 oo saaka (24\/06\/2015)\u00a0 ku geeriyooday Boorama<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahankii iyo waxgaradkii kaalinta mugda leh ka soo qaatay dhismaha, iyo taabo gelinta qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii iyo haldoorkii, hogaamintiisu tusaale fiican ay u ahayd jiilasha soo kacaya.<\/p>\n<p>Waxaanu ahaa Oday qaran oo ka baxay dalka iyo shacbiga somalilandba, isaga oo muddo dheer ka mid ahaa xubin sharafeed gollaha guurtida ka tirsan, mudooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa golaha wasiirada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga\u00a0 Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Dhianca kalena Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhambaal tacsi ah u diraya Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Wax-garabkad, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alleh ha u naxariistee wasiirkii hore Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum: Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo in muddo ah xanuun uu u jiifay awgeed ugu geeriyooday magaalada Boorama 25.06.2015.<\/p>\n<p>Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa Ehelkii iyo Qaraabaddii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo Marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alleh ka cabsi badan oo Illaahay ugu hoggaansama,dadkuna ay ka nabad-galaan, laguna yaqaanay cibaado badan iyo camal suuban, waxaa kale oo uu ku tilmaamay in uu ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee ruug cadaayada ah salkana u dhigay hanaanka geedi socodka nabada ee dalka, isaga oo sida oo kalena Marxuumku ahaa mas\u2019uul qaran oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawlada Somaliland iyo dawladii waagii hore la\u2019 isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaa kale oo uu Illaahay uga baryeyaa in uu Marxuumka godka u nuuriyo, janatul Fardawsana uu ka waraabiyo, Ehel, Qaraabo iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Boorama(AN)-Wasiirkii hore ee shaqada iyo Arimaha bulshada Somaliland Md Maxamuud Axmed Bare garaad ayaa ku geeriyooday magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal. Alle ha u naxariistee waxa tacsi u diray madaxwyanaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Ciro oo ka tacsiyadeeyay shacabka Somaliladn. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10581,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-10578","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2KC","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10578","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10578"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10578\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10578"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10578"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10578"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}