{"id":10427,"date":"2015-06-18T21:05:58","date_gmt":"2015-06-18T21:05:58","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=10427"},"modified":"2015-06-18T21:05:58","modified_gmt":"2015-06-18T21:05:58","slug":"wasiirka-qorshaynta-oo-si-adag-ula-hadlay-arday-waxyeelo-u-gaystay-guddiga-sare-ee-jaamacada-hargeisa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/06\/18\/wasiirka-qorshaynta-oo-si-adag-ula-hadlay-arday-waxyeelo-u-gaystay-guddiga-sare-ee-jaamacada-hargeisa\/","title":{"rendered":"Wasiirka Qorshaynta Oo Si Adag Ula Hadlay Arday Waxyeelo U Gaystay Guddiga Sare Ee Jaamacada Hargeisa"},"content":{"rendered":"<p>Hargeisa(AN)-Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ahna gudoomiyaha guddida sare ee Jaamacadda Hargeysa oo markii u horaysay ka hadlay dhacdo shalay ka dhacday Jaamacadda Hargeysa, ayaa sheegay in si adag loo baadhi doono ciddii ka dambeysay dhacdadaasi, sharcigana la hor gayn doono.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Maalintii shalay ayaa Arday ka mid ah kuwa jaamacadda Hargeysa, waxay qaseen shir guddida sare ee jaamacadda Hargeysa uga socday xarunta Jaamacadda. Ardayda oo ka gadoodsan laba ka mid hormuudada Jaamacadda Hargeysa oo shaqada ka maqan muddo ayaa gudaha u galay hool shirku ka socday islamarkaana Kuraas iyo caagadaha biyaha laga cabo la dhacay Wasiirada,Madaxda Jaamacadda iyo xubno kale oo guddida ku jira oo shirkaasi kuwada jiray. Waxaanay xogaha Ramaas dhacdadaas ka heshay sheegayaan in shirku halkaasi ku baaqday Ardaydana aanay jirin cid qabatay ee ay iska tageen.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cHorta Jaamacadda khilaaf kama dhicin, khilaafna kama dhex taagna. Guddida maamusha, macalimiinteed, masuuliyiinteeda iyo Ardayda wax khilaaf ah oo ka dhex jiraa ma jiro. Waxaanu muddo 4 bilood ah wadnay sidii loo horumarin lahaa Jaamacadda ee looga dhigi lahaa mid ku shaqaysa nidaam iyo sharci. Kulamo ayaa noo socday shalayna ujeedadu waxay ahayd sidii dhukumantiyadii dib loo eegay looga heshiin lahaa sidii loo fulinlahaa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Iyadoo halkaas noo maraysa ayay Nimad dhalinyaro ah oo aanu Arday u malaynayno noo soo galeen, waxaanay damceen inay shirka cilladeeyaan oo lagu kala kaco ayay ujeedkoodu ahayd baan u malaynayaa, sababtoo ah af iyo qoraal toona noogumay sheegin ujeedadooda. Markii dambe waxay bilaabeen inay nagu tuur-tuuraan caagadihii biyaha iyo Kuraastii, dadkana qaar baa dhaawac ah, wax dhaawac weyn o oculus ahina may jirin\u201d ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiirku waxa uu nasiib darro ku tilmaamay dhacdadaasi \u201cWaa nasiib darro in arday waliba jaamacadeed ay waxyeeleeyaan, wax ku tuuraan, dhirbaaxaan,feedhaan Macalimiintoodii oo qaar Awooweyaashoodii laa leeg yihiin, waa waxaan runtii ahayn dhaqankeenna waayo?, qofku Ixtiraam buu kugu leeyahay, qofka Ixtiraam buu kugu leeyahay, Macalinkaagu Ixtiraam buu kugu leeyahay, madaxdaadu Ixtiraam bay kugu leedahay, markaa xuduudahaas Ixtiraamka oo dhan dhalinyaradaasi way ka gudbeen oo way jabiyeen\u201d ayuu yidhi Wasiir Sacad.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiirku waxa uu sheegay inay arrintan boolisku baadhis ku hayaan \u201cArrintan waxaanu u gudbinay booliska oo baadhaya cidda sharciga jabisay, waxaana laga yeeli doonaa insha Allah waxa sharcigu ka odhanayo, Sharciga Maxakamaddaha iyo ka Jaamacaddaba waxay ka odhanayaan baa laga yeeli\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiirka waxaa la waydiiyay sababta gudoomiyaha\u00a0 Jaamacadda iyo kuxigeenkiisa oo iscasilay dabayaaqadii sanadkii hore wali xilka u sii hayaan waxaanu ku jawaabay \u201cJaamacaddu nidaam bay leedahay waxaana gudoomiyaha qora casilana guddida Jaamacadda. Way jirtay warqad iscasilaad ah oo gudoomiyuhu soo gudbiyay, waanay jirtay in madaxweyne xigeenka Somaliland ka aqbalay laakiin, waxay ahayd ilaa inta cid kale la helayo sidiibaanu u joogaa oo wali lama bedelin\u201d ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ardayda Jaamacadda ee baajiyay shirka guddida sare Shalay u socday ayaa taabacsan Hormuudadii Kuliyadaha Sayniska\u00a0 Axmed Maxamed Cadaad iyo Ganacsciga Keyse Cali Geedi ee Jaamacadda Hargeysa. Labadaasi hormuud ayaa hore shaqada looga joojiyay waxaanay ilaa hadda ka maqan yihiin hawsha ay jaamacadda ka hayeen, iyadoo ay ahayd inay jaamacadda dib uga hawlgalaan bishii March kadib markii ay dhamaysteen afar bilood oo madaxweyne xigeenku amray inay shaqada ka maqnaadaan.<\/p>\n<p>Khilaafka ayaa ugu horayn salka ku hayay kala amar qaadasho la\u2019aan iyo khilaaf u dhexeeyay labadaasi Hormuud iyo Gudoomiyaha Jaamacadda.<\/p>\n<p>Source:Ramaas<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeisa(AN)-Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ahna gudoomiyaha guddida sare ee Jaamacadda Hargeysa oo markii u horaysay ka hadlay dhacdo shalay ka dhacday Jaamacadda Hargeysa, ayaa sheegay in si adag loo baadhi doono ciddii ka dambeysay dhacdadaasi, sharcigana la hor gayn doono. &nbsp; &nbsp; Maalintii shalay ayaa Arday ka mid ah kuwa jaamacadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10428,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-10427","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2Ib","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10427","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10427"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10427\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10427"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10427"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10427"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}