{"id":10138,"date":"2015-06-08T14:25:44","date_gmt":"2015-06-08T14:25:44","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=10138"},"modified":"2015-06-08T14:25:44","modified_gmt":"2015-06-08T14:25:44","slug":"halkan-ka-akhriso-nuxurka-qodobo-heshiis-ah-oo-laga-soo-saaray-shirkii-beelaha-buuhoodle-iyo-qurulugud-ee-coodanle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/06\/08\/halkan-ka-akhriso-nuxurka-qodobo-heshiis-ah-oo-laga-soo-saaray-shirkii-beelaha-buuhoodle-iyo-qurulugud-ee-coodanle\/","title":{"rendered":"Halkan Ka Akhriso Nuxurka Qodobo Heshiis Ah Oo Laga Soo Saaray Shirkii Beelaha Buuhoodle Iyo Qurulugud Ee Coodanle."},"content":{"rendered":"<p><strong>Buuhoodle(AN) Beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud oo labadii todobaad ee u dambeeyay shir nabadeed uga socday degaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle, ayaa ka heshiiyay colaadihii sanadihii u dambeeyay u dhexeeyay labada bulsho.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Shirka oo la soo gabogabeeyay ayaa lagu baahiyay heshiis ku salaysan murankii dhulka iyo dilalkii dagaalada labada bulsho dhex maray iyo gaadmada dadkii u dhintay oo laga heshiiyay.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Heshiiska Arrimaha Dhiigga:-<\/strong><\/p>\n<ol>\n<li><strong>Waxay ku heshiiyeen labada beelood nabadgelyo buuxda, daris wanaag iyo in beel waliba ilaaliso xuquuqda beesha kale.<\/strong><\/li>\n<li><strong>In wixii dil iyo dhaawac dhexmaray labada beelood laga soo bilaabo Kalshaale lagu kala samray oo aan waxba laga soo qaadin iyadoo wixii gaade ku dhintayna la isu tuuray.<\/strong><\/li>\n<li><strong>Qofkii danbe ee wax dila labada beelood dhexdooda la waafajiyo shareecadda Islaamka, sidoo kale wixii khilaaf ah oodhan ee beelaha dhexdooda ka yimaada lagu dhameeyo shareecadda Islaamka.<\/strong><\/li>\n<li><strong>In aan beelina magan gelin nin gacan ku dhiigle ah oo dil kasoo geystey beesha kale dhexdeeda loona adeegsado cidkasta oo awood u leh inay wax ka qabato.<\/strong><\/li>\n<li><strong>In wixii hadda ka danbeeya cidii dil geysataa ay ku kooban tahay isaga iyo qoyskiisa cid ugu kaalmayn kartaana aanay jirin.<\/strong><\/li>\n<li><strong>In wixii maanta ka danbeeya dhibkii dhaca lagu dhameeyo xal nabadgelyo oo ay waxgaradka iyo gudiguu ka kulmaan isla markaana ay reeban tahay in la isugu gurmado.<\/strong><\/li>\n<li><strong>In la qabto gudi nabadgelyo oo ka kooban 10 xubnood, oo labada beelood iska dhexqabtaan shirka ayaa laga dhex qabanayaa gudiga.<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<p><strong>Sheshiiska Arimaha Dhulka:-<\/strong><\/p>\n<ol>\n<li><strong>Waxay labada beelood ku heshiiyeen in beesha Habarjeclo degmo baliga Goble-Magan, beesha Dhulbahantana Hagoogane, inta u dhaxaysana sida Kalshaale aan la qodi karin.<\/strong><\/li>\n<li><strong>Waxay labada beelood ku heshiiyeen si loo ilaaliyo daaqa inaan deegaan danbe oo cusub laga samayn karin dhuldaaqeenka u dheexa labada beelood, Sida Inta u dhaxaysa Xadhadhan iyo Coodanle, Goble-Magan iyo Hagoogane, Galgal iyo Qabri Hulul, Qoriligud iyo Maygaagle, Horufadhi iyo Adhi-Boob.<\/strong><\/li>\n<li><strong>In la wada dego magaalada Adhi-Boob.<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<p><strong>Waxaa saxexay heshiiskan Isimadda<\/strong><\/p>\n<ol>\n<li><strong>Suldaan Cabdalaahi Suldaan Cali<\/strong><\/li>\n<li><strong>Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.<\/strong><\/li>\n<li><strong>Boqor Maxamuud Cali Carab<\/strong><\/li>\n<li><strong>Suldaan Siciid Cismaan Cali<\/strong><\/li>\n<li><strong>Garaad Saleebaan Buraale Aadan.<\/strong><\/li>\n<li><strong>Maxamuud Xaaji Xuseen.<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<p><strong>Heshiiskan ayaa u muuqda mid sal adag u noqonaya nabad waarta iyo inuu suuliyo colaado soo noqnoqday oo sannadadii u dambeeyay u dhexeeyay labada Beelood ee Habarjeclo iyo Dhulbahante.<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Buuhoodle(AN) Beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud oo labadii todobaad ee u dambeeyay shir nabadeed uga socday degaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle, ayaa ka heshiiyay colaadihii sanadihii u dambeeyay u dhexeeyay labada bulsho. Shirka oo la soo gabogabeeyay ayaa lagu baahiyay heshiis ku salaysan murankii dhulka iyo dilalkii dagaalada labada bulsho dhex maray iyo gaadmada dadkii u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10139,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-10138","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2Dw","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10138","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10138"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10138\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10138"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10138"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10138"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}