{"id":10076,"date":"2015-06-06T14:31:04","date_gmt":"2015-06-06T14:31:04","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=10076"},"modified":"2015-06-06T14:31:04","modified_gmt":"2015-06-06T14:31:04","slug":"guddoomiyaha-guurtida-saddex-mudane-oo-golaha-ka-mid-ahi-waxa-ay-ku-kaceen-danbi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/06\/06\/guddoomiyaha-guurtida-saddex-mudane-oo-golaha-ka-mid-ahi-waxa-ay-ku-kaceen-danbi\/","title":{"rendered":"GUDDOOMIYAHA GUURTIDA :Saddex mudane Oo Golaha Ka Mid Ahi Waxa Ay Ku Kaceen Danbi"},"content":{"rendered":"<p>Hargeisa(AN)-Gudoomiyaha aqalka guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa saddex mudane oo golahaasi ka tirsan dalbaday in la anshax mariyo kadib markii ay saxaafadda ka sheegeen inaan muddo kordhinta guurtidu samaysay ahayn mid haboon.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Guurtida ayaa guddida joogtada ah u gudbiyay warqad ujeedadeedu tahay sidii mudaneyaashaasi loo anshax marin lahaa, isagoo ku eedeeyay inay ka hor yimaadeen go\u2019aan gole.<\/p>\n<p>Mudaneyaasha Gudoomiye Saleebaan Dacweynayo ayaa kala ah Mudane Axmed Muuse Obsiiye,mudane Maxamed Weli Warsame Cali iyo mudane Mubaarig Axmed Jaamac, kuwaasi oo soo dhaweeyay heshiiska Asxaabta Mucaaradka ah iyo Xukumadda ee ah in doorashada la qabto badhtamaha December 2016-ka.<\/p>\n<p>Gudoomiye Saleebaan Waxa uu ku sababeeyay anshax marinta mudaneyaashan \u201cMudanayaal Sidaad ka warqabtaan Golahu go\u2019aan ayuu gaadhay uu ku asnixiyay Codkii ugu Badnaa Go\u2019aankaasi oo la xidhiidhay muddo Kordhinta oo waafaqsan Qoddobka 83 Ee Distuurka Qaranka,Sidaas Awgeed Mar hadii uu golahu go\u2019aan gaadho waxa waajib ah in loo hogaansamo lana wada difaaco,Balse saddexda mudane ee kor ku xusani waxa ay ku kaceen danbi kaasi oo ka horimanaya Go\u2019aan gole iyaga oo siiyayna warbaahinta warar shaki galin kara go\u2019aanka golaha ee ay ka mid ahaayeen.<\/p>\n<p>Hadaba waxa laydin farayaa inaad ka soo talisaan wixii golahu ka yeeli lahaa kana go\u2019aan gadhaan,\u201d ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan oo guddida u gudbiyay warqaddan.<\/p>\n<p>Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo 30-kii May 2015-ka mudaneyaasha guurtida u jeedinayay khudbad uu kula dardaarmayay inay wada difaacaan go\u2019aanka guurtida ee ah muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo wakiilada ee ku astaysan March 2017-ka lana laalo heshiiska Xisbiyada iyo Xukumadda ee ah in December 2016 la qabto doorashada ayaa mudaneyaasha u digay waxaanu maalintaasi golaha ka hor yidhi \u201cWaxaan maqlayaa xildhibaano warbaahinta ka leh go\u2019aanka guurtida waa lagu degdegay, wixii sharci u dhigay ayaa kuwaasna laga yeeli.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeisa(AN)-Gudoomiyaha aqalka guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa saddex mudane oo golahaasi ka tirsan dalbaday in la anshax mariyo kadib markii ay saxaafadda ka sheegeen inaan muddo kordhinta guurtidu samaysay ahayn mid haboon. Gudoomiyaha Guurtida ayaa guddida joogtada ah u gudbiyay warqad ujeedadeedu tahay sidii mudaneyaashaasi loo anshax marin lahaa, isagoo ku eedeeyay inay ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9044,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-10076","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-2Cw","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10076","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10076"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10076\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10076"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10076"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10076"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}