Maxaa Ka Jira In Romelu Lukaku & Paul Pogba Ay Isku Dhaceen

0

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa barahiisa bulshada u adeegsaday sidii uu uga jawaab celin lahaa wararka ay saxaafada dalka England sida ba’an u faafiyeen ee ah inay isku dhaceen xiddiga kooxdiisa ee Paul Pogba,

Lukaku ayaa laba gool dhaliyay kulankii ay sabtidii la yeesheen kooxda Southampton oo ay 3-2 kaga adkaadeen markaas oo uu ka caawiyay inay guul xilli dambe ah ugu laabtaan kaalinta afraad ee loolanka weyni ku jiro.

Dhammaadkii kulanka ayay ahayd markii Red Devils loo dhigay gool kulaad waxaana la filayay in uu tuuri doono Lukaku si uu u dhammaystirto saddexleydisa kulanka balse waxa soo qaatay kubadda Paul Pogba kaas oo laga badbaadiyay.

Haddaba, Lukaku oo bartiisa Twitter-ka ku duray shaqsiyaadka warkaas faafiyay ayaa sheegay in marka ay nacaan balse ay waxba ka qaadi waayeen ay bilaabeen sheegista beenta.

Lukaku ayaa Twitter-ka soo dhigay qoraal odhanayay “Marka necbaanshuhu shaqayn waayo waxa ay bilaabaan sheegista beenta”

Kulanka kaddib ayuu Lukaku si cad u sheegay inuu doonayay in gool kulaadka uu darbeeyo Pogba maadaama oo uu isagu yahay weeraryahan markasta goolasha dhalinaya.

Wargeyska The Sun ayaa ahaa midka ugu horreeyay ee daba maray haddalka Romelu isaga oo sheegay in il aan magaceeda la xusin oo xidhiidh la leh Old Trafford ay ka ogaadeen isku dhaca labada xiddig shaqada xalintooduna ay u taalo tababare Ole Gunnar Solskjaer.