Arabsiyo News
SABABIHII KULMIYE KU GUULEYSTEY, WADDANINA KU GUULDAREYSTEY W/Q Omer Mahamud Nur
November 30, 2017 - Written by admin

SABABIHII KULMIYE KU GUULEYSTEY, WADDANINA KU GUULDAREYSTEY W/Q Omer Mahamud Nur

1. Wakhtigii diwaangalinta ayada oo ay aheyd xili adag oo abaaro jireen, waloo goboladana u kala badnaayeen, ayaa Kulmiye deegaannada uu codkooda ku xisaabtameyey uu xoog iyo xoolaba galiyey bari iyo gabeedba, Halka Waddani ololihiisu u badnaa diwaangalinta kadib, taas oo keentey in deeganaanno aan aad loo abaabulin, si baaxad lehna isku diwaan galin uu cod kooda ku xisaabtamo.
2. Waxa marag madoon ah in siyasiyiin waaweyn oo musharaxa Kulmiye ay heyb wadaag yihiin ay Waddani ugu wacad mareen in ay cod ay kasoo jabiyaan Kulmiye, taas oo noqotey hal bacaad lagu lisey, kadib markii cidi ka hoos qaadi weydey yaboohdoodii ku dhisnaa han wasiir iyo wasiiro, halka uu kulmiye awooda saarey beelaha aan musharax u tartameyn wakhtigan.
3. Waxa cadaatey in xisbiga Ucid uu coddad miisaan leh kala dagey Waddani. Iyo coddad culeyskooda leh uu ka heley Kulmiye deeganno u Waddani ku xisaabtamey, taas oo ay u eg tahey in aan difaacoodu aad u xidhneyn sida weerar koodu u adkaa
. 4. Ayada oo aaney meesha ka maqneyn kala duwanansha khibradeed iyo sumcadeed ee labada musharax ayaa hadana, Khudbadihii musharixiinta ee fagaarayaasha ololaha iyo doodihii qaran ee loo qabtey ay door laxaad leh ka ciyaartey inuu Kulmiye guuleysto.
5. Gobolka Sool oo ahaa gobol codeynta iyo saaxadeeda aan miisaan ku lahaan jirin ayaa xisbiga Wadani dhayalsadey halka Kulmiye u saabaan qaatey sidii uu u soo xero galin lahaa codkaa cusub ee dhanku doono u dhici karayey, ayadoo xukuumadu hashiisyo hor leh la gashey xili ay doorashadu fooda inagu soo heysey, mansabyo waa weyna u magacowdey, kuwaas oo ayguna u guntadey dhexdana u xidhey sidey gobolka codkiisa Kulmiye iskugu geyn lahaayeen.
6. Siyaasiyiintii garabada toosinta xisbiyo kale ee ku soo kala biirey Kulmiye iyo Waddani, ayaa kuwa Kulmiye ku soo biirey ay ka miisaanbateen marka loo eegayo codka ay u keeni karaan xisbiga, ayada oo ay kuwa Waddani galey ay tiro ahaan iyo mansab ahaaba ka badnayeen.
7. Ka da’ weynaata uu Kulmiye ka da’ weyn yahey xisbiga Waddani iyo aasaaskii hore ee Kulmiye ayaa keentey in wadalahaansha xusbiga Kulmiye ka baaxad weynaado inta wadani lawada leeyahey oo waliba inta kulmiye wadalihi u wada daacad tahey, cid kasta oo isku deyda iney ka ololeysaana wajiga ey doonto ha isticmaashee ay fara madhan kala noqoneysey .
8. In dadka ololaha u kala hogaaminayey gobolada labada xisbi ay kala waayo-aragsanaayeen kalana howl-karsanaayeen, waayo, dadka kulmiye u ololeynayey waxey haayeen kuwo tog wal iyo tuur walba ka dhacaya, oo weysada u biyeystey iney qoys walba deegankiisa ugu tagaan oo ardaaga ula hoydaan oo xaaladey ku jiraan iyo luuqada ay yaqaanaan wax ku fahamsiiya. halka ay badi howl-wadeenaga waddani magaalo madaxyada u badnayeen waxaana inoo cadeynasa lixda gobol afar ka mida Waddani ayaa magaalo madaxada ku horreeyey halka Kulmiye deegaanada miyaga ama degmooyinka magaalada ka baxsan codkiisa kasoo hooyey ayada aaney ka maqneyn tii ay xisbiyadu dadka qabaail ahaan u gu kala xisaabtameyeen.
9. Aqoon yahanno ku cusub saaxada siyaasada oo kulmiye majaraha u qabtey halkaas oo laga sii saadaalin karayey nooca xukuumadeed ee Kulmiye soo dhisi doono halka Wadani ay u badateen wasiiro hore oo ay dadka isku indho bateen qaarkoodna ay qaab cunfi ah ugu ololeynayen.
10. Gobolka Saaxil oo ay hada ugu horeyso inuu Kulmiye u codeeyo dhowr sababood dartoodood A. ayadoo musharaxa Waddani oo hore golaha wakiilada uu uga soo galey anaanu hadana dadaal ka galin marka laga reebo intii hore ugu codeysey B. heyb ahaan gobolka majooratigiisa kulmiye ah c. siyaasiyiintii gobolka oo cuddudoodii is kugu geeyey kulmiye. Si kasta ha ahaatee, labadaa xisbi ayaa ahaa kuwa aan kala dhicin oo ay qoorweyntii siyaasada Somaliland iskugu tagtey, waliba waxa uu u muuqday in Waddani uu miisaan culus yahey, marka dusha laga eego, hadana marka hoos loogu daadago qaab deegaanneysan ayaad garaneysey in aanu lugo badan ku taagneyn.
Qalinkii : Cumar Maxamuud Nuur ( Cumarfilfil)

COMMENTS
Latest News