Arabsiyo News
Daawo Chelsea Oo Tiro Goolal ah Ku Xasuuqday Kooxda Westbrom Ciyaar ka tirsan Horyaalka Ingiriiska
November 18, 2017 - Written by admin

Afar gool oo ay kala dhaliyeen Eden Hazard, Marcos Alonso & Alvaro Morata ayaa guul raaxo leh siiyay Chelsea oo si kumeel gaar ah ugu nagaaneysa kaalinta 2-aad ee horyaalka madama ay ka bixi karaan booska hadii ay Red Devils ka adkaato Newcastle United.

Blues oo uu ka maqan yahay David Luiz ayaa gaartay guul muhiimka ah, wiilka reer Denmark ee Christensen ayaana muujiyay iney isaga u baahneed madama kulankii labaad ay difaacdeen shabaqa.

Waxey noqoneysaa guul kale oo muhiim ah, Conte ayaana doonaya inuu rumeeyo riyada ah in kooxdiisa ay difaacato horyaalka Ingiriiska walow Citizens ay wali ka fogtaha 9-dhibcood.

 

 

COMMENTS
Latest News